Hargeysa:21-Nove-2013(SDN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa ayaamahan mashquul ku ahayd sidii ay u kala irdhayn lahayd Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland oo tan iyo intii ay shaqadan hayeen aan mar kaliya wax khilaaf ahi dhexdooda imanin.
Saddexda Xubnood ee Golaha Hoggaamiya, ayaa caan ku ahaa Dulqaad iyo isu tanaasul, waxase Haatan dhinac wada maray lab aka mid ah oo ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye, iyadoo Guddoomiyihiina maqan yahay.
Madaxtooyada ayaa Haddaba sida aanu ku hayno si aad ah uga Gubatay hadal dhawaan ka soo yeedhay Guddoomiye Cirro oo la xidhiidhay shirka qaran ee ay ku ballan qaadeen, waxana ay isla intaas ka dib gudo gashay sidii guddoomiyahan ay u aragto inuu cadow ku yahay meesha ka saarto.
Falanqayn dheer ka dib waxa ay madaxtooyadu ku qanacday in dab la dhex dhigo isaga iyo labada nin ee ka Hooseeya, waxana haatan muuqata inay middaas kuba kacday oo aanay waagaba la sugin.
Sidoo kale waxa madaxtooyadu raggii ay taladan u dirtay ay isla qaateen in marka ay kala fogaadaan Guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen, goluhu qabanqaabin karo mooshin xilka lagaga qaadayo, maadaama haatan xukuumaddu isku qancisay inay haysato aqlabiyadda Golaha, isla-markaana ay colaaddii haatan dhextaalo shir-guddoonka.
Tan iyo intii xukuumaddu soo dhaweeyey xubnaha xildhibaanada ah ee dhawaan sheegay inay xisbigeeda ku biireen, ayaa waxa daad badan lagu furay Golaha sharcidejinta, waxase aan la Hubin meesha uu salka dhigan doono murankaasi iyadoo uu haatan Guddoomiye Cirro waddanka ka maqan yahay.
Guddoomiye Cirro oo ah siyaasi aamusan, basle maskaxda Tuujiya, ayaa la filayaa inuu keeno xeelad kale oo uu meesha ku sii haysan karo, maadaama haatan uu u muuqdo nin xukuumaddu u soo biyeysatay sidii ay meesha uga saari lahayn, ulana wareegi lahayd kursigan qaranka qiimaha sare ugu jooga.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
