Afgooye:21-Nov-2013(SDN)-Degmada Afgooye ee Gobolka Sh. Hoose, ayaa waxa xalay qarax lagula eegtay ciidamada Amisom, kaas inkasta oo aan war faahfaahsan laga haynin haddana la sheegayo inuu khasaare soo gaadhsiiyey.
Wariye ku sugan aagga qaraxu ka dhacay, sheegaya in Qaraxa uu ahaa nooca meelaha fog fog laga hago,waxayna la kacday mid ka mid ah Kolonyada AMISOM ay leeyihiin, kaas oo si weyn u waxyeeloobay.
Bur Bur Laxaad ah ayaa gaadhiga soo gaadhay sida dad goob joogayaal ah ay xaqiijiyeen,waxaana la hubin askarta AMISOM waxa Qaraxani ka soo gaadhay, balse waxa xaqiiq ah inuu dhibaato wayn gaadhsiiyey.
Qaraxa markii uu dhacay ka dib AMISOM waxay Jihooyin kala duwan u fureen rasaas badan inkastoo dadi aysan wax ku noqon.
Ciidanka amisom ee halkaas jooga ayaa si weyn uga feejigan, balse kooxda AL-Shabaab, ayaa haddana mar walba qaraxyo natiijo u keena ku qaada ciidankan.
S.D.N
