Hargaysa 08.Jan 2014 (SDN)- Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in Somaliland ay colaad iyo nabad gelyo labadaba taqaano, waxaanu uga digay maamul goboleedka Puntland inay soo hawaystaan xuduudaha mucayinka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.
“BBC-da aad iyo aad ayay u buun buunisay hadalladii murrashaxiinta madaxtinimadda Puntland, waxaanay mar kasta ku soo darayeen hadalkooda waxaanu ku duulaynaa Somaliland. Somaliland waxay leedahay xuduudo, dawladaha jaarka ahna waxay la wada leedahay xuduudo siday Jabuuti iyo Itoobiya xuduudaha ula leedahay ayay Soomaaliyana xuduudo ula leedahay. markaa ninka yidhaahda Somaliland baan ku duulayaa, Somaliland colaad iyo nabad-ba way taqaanaa. laakiin ninka yidhaahda Somaliland baan ku duulayaa waa balan-qaad been ah,” ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiiladda oo ka mid ah masuuliyiinta ka soo jeeda gobolka Sool oo maanta u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.
Baashe Maxamed Faarax oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Puntland waxay u baahan tahay caafimaad iyo tacliin, Soomaaliyi maanta uma baahna dhiig la daadiyo, Somaliland-na waxay leedahay xuduud iyo ciidan ku filan oo difaaca.”
“Laascaanood waa Somaliland, waana dal ka mid ah dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waana laga difaacyaa cidii ku soo duusha,”ayuu intaas raaciyay Baashe Maxamed Faarax.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
