London Jan 09,2014(SDN)-Dhamaan Qurbajooga Reer Awdal Ayaa Hambalyo Diiran U Direy Dr Abdi Weli Gaas oo Maanta Loo Doortey Jagadda Madaxweyne ee Puntalnd.
Jaaliyadu Waxa Ay u rajeyneyaan in Abdi Weli Gaas ilaahey u fududeeyo xilka loo igmadey, sidoo kale waxa ay ku boorinayaan in uu adkeeyo xidhiidhka ka dhexeeya Puntland-Muqdisho-Awdal.
Maadaama uu hore u ahaa Reysal Wasaarihii Hore ee Dawlada Kumeelgaadhka ah ee Soomaaliya iyo weliba isaga oo ka mid ahaa hindisayaashii fikirka maamul goboleedyada (Statehood Policy). Fikirkaas oo ah xalka saxda ah ee la diidan yahey.
Sidoo kale Jaaliyadu Waxa ay Xasuusinayaan in Dr Abdi Wali uu soo nooleeyo xooga siyaasadeed ee Puntland, kana qeyb qaataan shirarka ka dhici doona Turkiga iyo UK. Xoogaas siyaasadeed shicibka Awdal ay siinayaan oo ah ka dheeli tira Siyaasada Somaliya.
Jaaliyada iyo Maamulka Awdal State Waxey Ballan Qaadayaan in ay la shaqeeyaan, taageero iyo dhiiri gelin buuxdana siinayaan Dr Abdi Welli Gaas.
Wa Bilaahi Tawfiiq
Jaaliyada Awdal State ee UK
Dr Abdi Rahman Aleel.
