Uncategorized

“Hay’adda Nabad Sugidda Qaranku waxay hormuud u tahay amniga wadanka” Madaxweyne Xasan Sheekh

Muqdisho 09.Jan 2014 (SDN)- Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Sugidda Qaranku ay hormuud ka tahay amniga iyo nabadeynta Soomaaliya.

raiisMadaxweynaha oo ka hadlayay munaasabaddii lagu xusayay sanad guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii hay’adda Nabad Sugidda Qaranka ayaa sheegay in hay’addu ay waxyaabo badan ka qabatay amniga dalka sanadkii la soo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dowladdu ay ahmiyad gaar ah siisay horumarinta hay’adda Nabad Sugidda Qaranka.

Madaxweynaha ayaa xusay in uu hambalyo u dirayo dhammaan ciidamada hay’adda Nabad Sugidda Qaranka, xaasaskooda iyo carruurtooda.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com