Garowe 09.Jan 2014 (SDN)- Wakiilka gaarka ah ee xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo maanta Garoowe kula kulmay madaxweynaha cusub ee Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ammaanay qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimada Puntland.
Kay ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub wuxuuna sheegay in Qaramada Midoobay ay la shaqeyn doonto madaxweynaha cusub ee Puntland iyo maamulkiisa.
Wakiilka oo sidoo kale la kulmay odayaasha dhaqanka ayaa ku ammaanay sida ay usoo abaabuleen qabsoomidda doorashada oo u dhacday si dimuqraadiyad iyo nabadgelyo ku jirto.
Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Puntland hoggaamin doona shanta sano ee soo socota, kadib markii uu shalay ka guuleystay madaxweynihii hore Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com
