Hargaysa 09.Jan 2014 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ayaa saaka xabsiga dhigtay Guuleed Daahir Samatar oo ahaan jiray Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Togdheer kaasoo ay dhawaan sii daysay kadib markii ay ka soo kacaysay habeen madaw magaaladda Burco.
Lama oga sababta Guuleed maanta loo xidhay hase yeeshee warar aanu ka helnay dad ka ag dhawaa ayaa sheegaya in uu doonayey saaka inuu u safro magaaladda Burco oo marka hore laga soo xidhay, laakiin xukuumaddu markii ay ogaatay soo dhaweyn loo samaynayo kadib go’aansatay xadhigiisa si aanu sumcad ugu helin.
Wararka kale e naga soo gaadhaya magaaladda Burco ayaa sheegaya in Booliis kala duwan lagu daadiyey jidadka Burco si looga hor tago soo dhaweyn loo sameeyo ninka imika la xidhay, waxaanay wararka ugu danbeeyey sheegayaan in markii ay dadku ka war heleen xadhigiisa ay iska kala dareereen.
Lama oga cabsida iyo saamaynta intaas lee gee ay xukuumaddu ka qabto soo dhaweynta iyo shakhsiyadda Guuleed, balse waxa jira sababta marka horeba ay u soo xidhay in uu yahay hogaamiye kooxeed aloosi kara mudaharaadyo ka dhan ah Xukuumadda sida kii Burco dhawaan ka dhacay oo kale ah.
Guuleed waxa soo xidhay markii hore Ciidamo RRU ah oo burco u tagay iyagoo ilaalo ka ahaa wefti Wasiiro ah oo ay rabshadi kala kulantay Oodweyne, hase yeeshee markii danbe goor saq dhexe ah gurigiisa ugu daatay oo ka soo qafaashay isagoo hurda, laakiin waxa la sii daayey markii ay xukuumaddu aragtay in duufaano siyaasadeed oo gaadhsiisan gacan aka hadal ka dhici karaan xadhigiisa.
Si kasta ha ahaatee sida ay wararkii ugu danbeeyey sheegayaan Guuled waxa uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee Hargeysa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
