Uncategorized

Kooxda Argagixisada ah ee Alshabaab oo Deegaamada ay ka Taliso ka Mamnuucday Adeega Isgaadhsiinta Internet-ka

Muqdisho 09.Jan 2014 (SDN)- Ururka  Alshabaab ayaa soo saartay Bayaan ku socda Shirkadaha Isgaariinta ee dalka Soomaaliya, kaas oo ku mamnuuceyso qaar ka mid ah adeegyada ay bixiyaan Shirkadaha.

astaanta alshabaabBayaanka waxaa lagu sheegay in Xarakada Alshabaab ay go’aamisay joojinta adeegyada kala ah Mobile Internet (Adeegga Internetka ee teleefonada gacanta laga isticmaalo) iyo adeegga Fiber Optic oo isna ah adeegga Internetka ee leh xawaaraha sare.

Qodobada Bayaanka ku saabsan ee Shirkadaha Isgaariinta ku socda ayaa waxaa ka mid ahaa :

1) In laga joojiyo dhamaan dalka Soomaaliya isticmaalka adeegyada loo yaqaano Mobile Internet iyo Fibre Optic.

2) In dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ah ee ku lugta leh adeegga Mobile internet-ka ama Fibre Optic-ga ay joojiyaan adeeggaas.

3) In shirkad walba oo ku lug leh bixinta adeegyadaas aan kor kusoo xusnay ay heysato muddo dhan 15 maalmood oo kaliya sidii ay u joojin laheyd adeegyada Mobile internet iyo Fibre optic, mudadaas oo ka bilaabaneyso taariikhda bayaankan uu soo baxo.

4) Shirkaddii ama shakhsiyaadkii u hogaansami waaya go’aanada kor ku xusan waxaa loo arki doonaa kuwo cadawga la shaqeynaya, waxaana lala tiigsan doonaa Shareecada Islaamka.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com