Uncategorized

Bamam Xalay Lagu Weeraray Goobo Ciidan Oo Afgooye Ku Yaalla iyo Hawlgallo Halkaasi Saaka Ka Socda

Afgoye:16-Jan-2013(SDN)-Waxa Habeenkii Xalay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka Dhacay Falal Liddi ku ah Amniga, iyadoo Bamam lala Eegtay Goobo Muhiim ah.

baaaaaaWararka aanu ka Helayno Halkaas, ayaa sheegaya in meel ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda Soomaaliya kooxo hubeysan ay ku tuureen Bam gacmeed ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay,  balse la Hubo inay khasaare Gaadhsiisay Ciidankii Halkaas ku sugnaa.

 

Warar kale ayaa tilmaaaya in Bam gacmeed kale magaalada meel kamid ah laga maqlay, iyadoo saaka lagu soo warramayo in howlgallo ay ka socdaan xaafado kamid ah degmadaasi.

Degmada Afgooye  oo ah meel ay had iyo Goor kooxaha Amniga waxyeeleeyaa weeraraan, ayaa intii dambe noqotay Badhtilmaameed ay kooxahaasi ka Duulaan, iyagoo Beegsanaya Goobaha ay Ciidanka Dawladdu ku Sugan yihiin.

 

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com