AKAADAMIGGA NABADDA & HORUMARKA ayaa dhawaan soo bandhigay : Madasha ,Mudada & Ajandaha “Dood Cilmiyeedka ”, waxaanay bulshada ka codsadeen inay soo gudbiyaan afkaartooda.
Waxa durba muuqata Akaademiga Nabadda inaanu khibrad dheer u lahayn habaynta & maamulka shirarka noocan oo kale ah.
Agaasimaha Fulinta Akaademiga Mudane Maxamed Xirsi Faarax , ayaa ku wargeliyay bulshada Somaliland inay afkaartooda & warqadaha “ Position papers” kusoo hagaajiyaan Emailkeesa u gaarka ah “ xirs_law@hotmail.com. Agaasime Xirsi, waa la beddeli karaa, wuu dhoofi karaa, wuu iscasili karaa, waa qof bani-aadmia oo duruufo yeelan kara .
Afkaarta bulshadu waa kayd qaran, oo u baahan in lagu xafido meel ummadda u dhaxaysa , si looga faidaysto mustaqbalka. Waxaanu ku boorinayna Madaxda Akaademiga inay sameeyaan “ Institutional Email “ uu leeyahay Akaademiga Nabadda & Horumarku.
Waa nidaam khaldan in lagu soo hagaajiyo “Private Email” . Agaasime Xirsi wuu tirtiri karaa afkaarta aanu jeclaysan ama aan asaga cajibin.
Wa bilaahi Towfeeq.
Ali Ibrahim “ Baqdaadi “, Toronto,
Xubin Guddiga Cilmibaadhista & Raadraaca WADDANI
