Muqdisho:17-Jan-2014(SDN)-Waxa Markii ugu horraysay Taariikhdiisa ka Mid Noqday Golaha Wasiirrada Somalia Guddoomiyaha Haatan Ee Caasimadda Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.
Tarsan, ayaa loo magacaabay wasiir ku xigeenka ciyaaraha ee xukuumadda ra’iisul wasaare Cabdi Weli.
Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in Tarsan uu dhowaan wareejin doono xilka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.
Tani waxa ay ka dambeysay cadaadis beesha Abgaal ay saartay madaxweynaha, iyada oo dooneysa xilkaas.
Tarsan, kama foga Abgaal, waa Mudulood, gaar ahaan Ujeejeen Cusmaan oo Abgaal la dhashay, hase yeeshee waxaa jira sababo kale oo xil ka qaadistiisa soo socota saaciday, sida isaga oo marar badan dowladda iyo madaxdeeda weeraray.
Waxaa hadda xilkan ku loolamaya beelaha Wacbuudhan oo ah beesha deegaan ahaan ku badan Muqdisho iyo Harti-Abgaal.
Maadaama Harti-Abgaal ay maamulaan gobolka Shabeelaha Dhexe oo guddoomiyihiisu uu kasoo jeedo, waxaa xogtu ay leedahay in xilka gobolka Banaadir la siin doono Wacbuudhan.
Guddoomiye Tarsan oo lagu xasuusto canaantii iyo hadalii uu ku weerari jirey Dadka Ammaanka Muqdisho Gacanta ku haya, ayaa Haatan ka Nasan Doona Culayskii ka Saarnaa Dhinaca Ammaanka, maadaama Magaalada Muqdisho inta badan ay ka dhacaan dhibaatooyin dhanka Ammaanka ah.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
