Uncategorized

KHALADKA KOWAAD “FIRST MISTAKE” AKAADEMIGA NABADDA & HORUMARKA

AKAADAMIGGA NABADDA & HORUMARKA ayaa  dhawaan soo bandhigay :  Madasha ,Mudada  & Ajandaha  “Dood Cilmiyeedka ”, waxaanay bulshada ka codsadeen inay soo gudbiyaan afkaartooda.

Waxa durba muuqata Akaademiga Nabadda inaanu  khibrad dheer u lahayn habaynta & maamulka shirarka  noocan oo kale ah.

Agaasimaha Fulinta Akaademiga  Mudane Maxamed Xirsi Faarax , ayaa ku wargeliyay bulshada Somaliland  inay afkaartooda  &  warqadaha  “ Position papers”  kusoo  hagaajiyaan Emailkeesa u gaarka ah “ xirs_law@hotmail.com.  Agaasime  Xirsi, waa la beddeli karaa, wuu dhoofi karaa,  wuu iscasili karaa, waa qof bani-aadmia  oo duruufo yeelan kara .

Afkaarta  bulshadu waa kayd qaran, oo u baahan in lagu xafido meel ummadda u dhaxaysa , si looga faidaysto mustaqbalka. Waxaanu ku boorinayna Madaxda Akaademiga inay sameeyaan  “ Institutional Email “   uu leeyahay Akaademiga Nabadda  & Horumarku.

Waa nidaam  khaldan in lagu soo hagaajiyo  “Private Email” . Agaasime Xirsi  wuu tirtiri karaa  afkaarta  aanu jeclaysan ama aan asaga cajibin.
Wa bilaahi Towfeeq.
Ali Ibrahim  “ Baqdaadi “, Toronto,
Xubin Guddiga Cilmibaadhista & Raadraaca WADDANI