Muqdisho:17-Jan-2014(SDN)-Isbedbeddel Badan iyo Cago-jiid muddo dheer qaatay ka dib waxa Xalay si Rasmi ah loo shaaciyey Liiska Golaha Wasiirrada Dawladda Ra’isal Wasaare Cabdiweyli.
Waxa Soo Baxaya Warar kala duwan oo ku saabsan Marxaladihii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirrada, iyadoo in Badan wax laga Beddelay Xubnaha Golaha Wasiirrada.
Wararka ugu xiisaha Badan ee Arrimaha Magacaabista ku saabsan, ayaa sheegay in Xubno saacado ka hor ka mid ahaa Golaha, isla-markaana loo sheegay inay ku jiraan Liiska oo Goobta ku Sugnaa markii dambe laga saaray Liiska oo Cid kale lagu Beddelay.
Arrimaha Noocan oo kale ah iyo Go’aamadan Badhifurka ah ayaa la sheegay inay inta badan ka imanayeen Dhinaca Madaxweynaha oo inta badan codsanayey in waxka beddel lagu sameeyo liiska oo lagu daro xubno uu door bidayey.
Xubnaha Saacadihii ugu dambeeyey liiska Laga Saaray waxa la sheegay inay ka mid ahaayeen Wasiiradii hore ee Arimaha Dibada Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Cabdixakiin Fiqi iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada Maxamuud Saleeban.
sido kale waxaa jiray warar sheegaya in Liiska uu soo gudbinayay Madaxweynaha uu ku jiray Shariif Xasan Sheikh adan (Shariif Sakiin) oo isagana loo rabay Wasiiirka Ganacsiga, waxana Si Cad u diiday Shariif inuu Golaha Soo Galo Guddoomiye Jawaari oo ay si weyn Siyaasadda Gobolkooda iskugu hayaan.
Is jiidjiidashadan iyo Khilaafka xubnahan, ayaa goobta laga Dareemayey, waxana Muddo Toban saacadood kadib xilligii loo ballansanaa lagu dhawaaqay Golaha Cusub.
Sidoo kale waxa jirey cadaadisyo Ra’isal wasaaraha kaga Imanayey dhinaca Beelaha, waxana Beesha Hawiye ay Dagaal badan u galeen inay Helaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gaashandhiga taas oo uu Ra’isal wasaare Cabdiweli ka biyo diiday, iyadoo Ugu dambayntii Wasiirka gaashandhiga la siiyay beesha Digil iyo mirifle, Halka Beesha Hawiye badalkeeda la siiyay Wasaarada Amniga.
Madaxweyne Xasan iyo Ra’isal Wasaare Cabdiweli ayaa si Buuxda u kala qaybsaday Wasiirada Muhiimka ah, Iyadoo Madaxweynaha la sheegay inuu qaatay Wasiirrada Wasaaradahan:
1-Wasaarada Arimaha Gudaha 2-Wasaaradda Amniga 3-Wasaaradda Maaliyada.
Sidoo kale Ra’isal wasaare Cabdiweli ayaa dhankiisa qaatay oo Saaxiibo dhigtay Wasaarado aad muhiim u ah oo kala ah.:
1-Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2-Raisalwasaare kuxigeenka 3-Wasiirka Gaashandhiga.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa la Sheegay inuu isaguna Xubno ku soo darsaday Golaha, waxana Sida Muuqata Waxoogaa Guul ah ka Gaadhay Golahan Cusub Ra’isal wasaare Cabdiweli oo ka Faa’iidaystay Khibrad iyo Waayo Aragnimo uu ka dhaxlay Wixii laga Raacay Ra’isal wasaarihii ka Horreeyey isaga.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com
