Uncategorized

Halkan Ka Akhri Hannaanka iyo Ra’isal wasaaraha iyo Madaxweynuhu u Kala Qabysadeen Boosaska Muhiimka ah Ee Wasiirrada Cusub iyo Liiska Oo Saacado Ka Hor Laga Saaray Xubno Goobta Fadhiyey Iyagoo Labbisan

Muqdisho:17-Jan-2014(SDN)-Isbedbeddel Badan iyo Cago-jiid muddo dheer qaatay ka dib waxa Xalay si Rasmi ah loo shaaciyey Liiska Golaha Wasiirrada Dawladda Ra’isal Wasaare Cabdiweyli.

 

cusubWaxa Soo Baxaya Warar kala duwan oo ku saabsan Marxaladihii ugu dambeeyey ee Golaha Wasiirrada, iyadoo in Badan wax laga Beddelay Xubnaha Golaha Wasiirrada.

Wararka ugu xiisaha Badan ee Arrimaha Magacaabista ku saabsan, ayaa sheegay in Xubno saacado ka hor ka mid ahaa Golaha, isla-markaana loo sheegay inay ku jiraan Liiska oo Goobta ku Sugnaa markii dambe laga saaray Liiska oo Cid kale lagu Beddelay.

 

Arrimaha Noocan oo kale ah iyo Go’aamadan Badhifurka ah ayaa la sheegay inay inta badan ka imanayeen Dhinaca Madaxweynaha oo inta badan codsanayey in waxka beddel lagu sameeyo liiska oo lagu daro xubno uu door bidayey.

Xubnaha Saacadihii ugu dambeeyey liiska Laga Saaray waxa la sheegay inay ka mid ahaayeen  Wasiiradii hore ee Arimaha Dibada  Marwo Fowsiyo Yusuf  Xaaji, Wasiirkii hore ee Gaashandhiga Cabdixakiin Fiqi  iyo Wasiirkii hore ee Maaliyada   Maxamuud Saleeban.

sido kale waxaa jiray warar sheegaya in  Liiska uu soo gudbinayay Madaxweynaha uu ku jiray  Shariif Xasan Sheikh adan (Shariif Sakiin) oo isagana  loo rabay Wasiiirka Ganacsiga, waxana Si Cad u diiday Shariif inuu Golaha Soo Galo Guddoomiye Jawaari oo ay si weyn Siyaasadda Gobolkooda iskugu hayaan.

Is jiidjiidashadan iyo Khilaafka xubnahan, ayaa goobta laga Dareemayey, waxana Muddo Toban saacadood kadib xilligii loo ballansanaa lagu dhawaaqay Golaha Cusub.

Sidoo kale waxa jirey cadaadisyo Ra’isal wasaaraha kaga Imanayey dhinaca Beelaha, waxana Beesha Hawiye  ay  Dagaal badan u galeen inay Helaan Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gaashandhiga taas oo uu Ra’isal wasaare Cabdiweli ka biyo diiday, iyadoo Ugu dambayntii  Wasiirka gaashandhiga la siiyay beesha Digil iyo mirifle, Halka Beesha Hawiye badalkeeda la siiyay Wasaarada  Amniga.

Madaxweyne Xasan iyo Ra’isal Wasaare Cabdiweli ayaa si Buuxda u kala qaybsaday Wasiirada Muhiimka ah, Iyadoo Madaxweynaha la sheegay inuu qaatay Wasiirrada Wasaaradahan:

1-Wasaarada Arimaha  Gudaha  2-Wasaaradda  Amniga 3-Wasaaradda Maaliyada.

Sidoo kale Ra’isal wasaare Cabdiweli ayaa dhankiisa qaatay oo Saaxiibo dhigtay Wasaarado aad muhiim u ah oo kala ah.:

1-Wasiirka Arimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah 2-Raisalwasaare kuxigeenka  3-Wasiirka Gaashandhiga.

 

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa la Sheegay inuu isaguna Xubno ku soo darsaday Golaha, waxana Sida Muuqata Waxoogaa Guul ah ka Gaadhay Golahan Cusub Ra’isal wasaare Cabdiweli oo ka Faa’iidaystay Khibrad iyo Waayo Aragnimo uu ka dhaxlay Wixii laga Raacay Ra’isal wasaarihii ka Horreeyey isaga.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com