Uncategorized

Ceerigaabo Oo Ka Sii Baxaysa Gacanta Xukuumadda Somaliland iyo Dawladdii Loo Xilsaaray Oo Ku Foogan Kala Furfuridda Axsaabta Qaranka iyo Kharash Ku Bixinta Burburintooda

Ceerigaabo:17-Jan-2014(SDN)-Waxa si Layaab leh Maalintii shalay Munaasibado kala duwan oo lagu taageerayo Madaxweynaha Cusub ee Puntland yeelatay lagu qabtay Magaalada Ceerigaabo ee Caasimadda Gobolka Sanaag.

godaaleMunaasibaddahan oo si Badheedh ah loogu qabtay Huteelada Magaalada, ayaa ay soo Qabanqaabiyeen dadka Deggen Magaaladaasi, waxana Xukuumadda Somaliland oo Halkaas sheegata, islamarkaana Ciidan iyo Maamulba Ku lihi indhaha ka Qarsatay inay Tallaabo ka Qaaddo falalka Ka Dhanka Qaranimada ee Halkaasi laga Wado.

Dadka munaasibadahan qabsanayey, ayaa ku dhawaaqay inay si Buuxda u taageersan yihiin Madaxweyne Gaas iyo Ku Xigeenkiisa, waxana ay Halkaas kaga Dhawaaqayeen Erayo Muujinaya inay Ka mid yihiin Maamulka Puntland.

Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa iyadu iska Diidday inay Jawaab af ah iyo mid addin ah midna ka bixiso Arrintaas, iyadoo Kaliya u dabran inay ka Jawaabto Hadalada kaga yimaadda dhinaca Mucaaridkeeda oo aanay Sugin in Gabalku uga dhaco, isla-markaana ay lacago badan ku bixiso sidii looga jawaabi lahaa.

Xukuumaddan maanta haysa Talada Somaliland, ayaa u muuqata mid dayacday  oo Burburisay isku duubnidii iyo wadajirkii shacabka, waxana ay Arrimaha Noocan oo kale ahi calaamad u yihiin in dadku si Buuxda uga Niyadjabsan yahay Ixtiraamka iyo tixgelinta loo hayo Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa.

Ma muuqato wax Tallaabo ah oo ay xukuumaddu ka Qaadayso Dadkii shalay kulamada qaranimada ka dhanka ah ku yeeshay Ceerigaabo, waxana laga Yaabaa in dhawaan qaar kale oo Dawladda Xamar lagu Taageerayo lagu qabto meelo ka mid ah Somaliland, maadaama aanay xukuumaddu diyaar u ahayn inay Arrimaha caynkaas oo kale ah ka Hortagto.

Waa markii ugu horrasay taariikhda Somaliland ee Dalka Gudihiisa si Waadix ah loogu qabto munaasibado lagu Taageerayo Dawlad kale, waxana ay Taasi caddaynaysaa in Arrimo cusub oo shcabku arkay soo Kordheen

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com