Muqdisho 19.Jan 2014 (SDN)- Wasiirka arrimaha dibadda ee xilka ka dageysa Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo maanta Muqdisho ay shir jaraa’id kuwada qabteen safiirka cusub ee dalka Japan u fadhiya Soomaaliya Tatsushi Terada ayaa sheegtay in Japan iyo Soomaaliya ay leeyihiin xiriir iyo iskaashi taariikhi ah.
Waxey sheegtay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad badan, ayna joogto xilligii ay isku tashan laheyd, iyadoo soo dhaweysay safiirka cusub.
Safiirka cusub ee dowladda Japan u fadhiya Soomaaliya Tatsushi Terada ayaa sheegay in Japan iyo Soomaaliya ay ka wada-shaqeyn doonaan xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ka dhexeeyay in muddo ah.
Wuxuu tilmaamay in ra’iisul wasaaraha Japan Shinzo Abe uu ballan-qaaday horumarinta iyo taageerada Soomaaliya, isagoo xusay inuu ku faraxsanyahay in loo magacaabay safiirka dowladda Japan ee Soomaaliya.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
