Muqdisho 19.Jan 2014 (SDN)- Madaxweyne Xasan oo ka ololaynaya sidii loo Ansixin lahaa Xukuumadda maadaama C/weli kaga baxay Daqiiqadihii u danbaysay ee Xukuumadiisa Foosiya Yusuf Xaaji Aadan.
Ra’isul wasaare ku-xigeenkii hore ahaydna wasiiradii arrimaha dibeda Somalia Foosiyo Yuusuf Xaaji aadan ayaa la sheegayaa in laga saaray liiska golaha cusub ee wasiirada daqiiqadihii ugu dambeeyey intaan la magacaabin.
Madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ayaa la sheegay iney isku raaceen in Foosiyo lagu soo daro xukuumada cusub ee Somaliya, loona daayo jagada ay heyso, hase ahaatee sababo aan wax badan laga ogeyn awgood ayaa markii dambe loo bedelay.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in madax ka tirsan dowladaha Carabta ay ku cadaadiyeen madaxda dowlada Somalia iney qof rag ah u soo magacaabaan wasaarada arrimaha dibeda Somalia ayna bedelaan haweeneyda.
Maadaama wasaarada arrimaha dibeda ay tahay mid qaabilsan xidhiidhka caalamka iyo ka qeyb galka shirarka ayaa waxaa la sheegay in dalalka carabtu ay marar badan ka codsadeen iney wasaaradaas loo soo magacaabo qof rag ah, dumarkana laga daayo.
Wasiirada arrimaha dibeda Somalia Foosiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa ka mid aheyd xubnaha ugu firfircoon xukuumadii hore ee ra’isul wasaare Saacid, iyadoo wax badan ka qabatay soo nooleynta xiriirka dowlada Somalia iyo dalalka caalamka qaarkood.
Dhinaca kale, dhaqdhaqaaq la doonayo in lagu diido Xukuumadda cusub ee Cabdi Weli ayaa la sheegayaa in ay ka dhex socoto Baarlamaanka Somaliya, iyadoo wararka soo baxayaana ay sheegayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ka seexday u ololaynta iyo Ansixinta Wasiiradda cusub.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu doonayo in ay Xukuumaddu dhacdo oo Baarlamaanku diidaan si uu Ra’isul wasaare cusub oo afraad oo la hadal hayo u soo magacaabo, waxaana la sheegayaa inuu kharashkii kala seexday, isla markaana Olole lagu diidan yahay kaga furan yahay dhinaca Baarlamaanka.
Dhinaca kale, Raysal Wasaare C/weli Axmed ayaa la sheegaya in uu ka walaacsan yahay in uu Baarlamaanku diido xukuumaddiisa isla markaana uu fashilmo, waxaana la sheegayaa si uu taas uga taxadiro in laga helayo cabsi sheegaysa ka hor inta aanu Baarlamaanka u gudbin Liiska in uu iscasilo.
Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in aanay muuqan Xukuumad kalsooni lagu qabi karo oo ay Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare C/weli Axmed wada maamuli karaan oo ka shaqaysa Somaliya, iyadoo taas laga dareemi karo aragtiyihii ay siyaasiyiinta iyo Dadweynuhu ka bixiyeen xubnaha la magacaabay kuwaas oo isku wada raacay in aanay ahayn tii loo baahnaa xukuumaddani tiro ahaa iyo tayo ahaanba.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
