Uncategorized

Wasaarada Hawlaha Guud Somaliland oo Ku Hawlan Sidii ay u Samayn lahayd Qorshe Hawleedka ay ka Duulayso Sannadkan 2014

Hargaysa 26.Jan 2014 (SDN)- Wasaaradda  hawlaha guud iyo guryaynta  ayaa maanta  shir hawleed ku saabsan    qorshaha   wasaarada ee  2014 ka  ku qabatay huteelka Crown  ee magaalada Hargaysa

WASIIRKA HAWLAHA GUUD EE SOMALILANDShirkaaso oo soconayay mudo hal maalin ah  ayaa waxa ka soo qeyb  galay  wasiirka wasaaradaasi  Md Cabdirisaaq khaliif Axmed , oo ay Weheliyaan wasiirka wasaarada beeraha , agaasimaha guud ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta  , isu duweyaasha wasaarada ee goblada dalka.

Wasiir ku  xigeenka wasaarada hawlaha guud iyo guryeynya Md Cali CabdiSaayiq oo halkaa ka hadlay  ayaa sheegay in shirkai daba socdo shirar hore  oo lagaga ariminayay qorshaha wasaarada ee sanadka 2014 ka  kaaso ku saabsan sidii qorshe cusub loogu samayn lahaa wasaarada isalmarkaa lagu hawl galo sanadka cusub waxaanu usoo jeediyay hawlwadeenada  qeyb qaadanaya in ay  xogo wax ku ool ah kazoo saaraan kulankaasi.

Waxa iyana halkaasi ka hadlay wasiirka wasaarada beeraha Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo agaasimaha guud ee wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Md Faysal Cali Sheikh oo ka waramay muhimada kulanka iyo  midhaha laga doonayo oo noqon doona wixii wasaardu ay ku shaqyn lahayn sanadka cusub ee hada la galay

Gabagabadii waxa halkaasi hadlo la xidhiidha ujeedad kulaka kazoo jeediyay wasiirka wasaarada hawlaha guud iyo guryaynyta Md Cabdirisaaq khaliif Axmed  oo ka waramay waajibaadka wasaarada iyo  adeegayada ay qaranka u hayso waxaanu usoo jeediyay hawlwadeenadii kazoo qeyb galay kulankaasi in ay kaoo saaran  xog muhiim ah oo anfaca qaranka iyo guud ahaan qeybaha wasaarada.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com