Uncategorized

Hogaamiye sare oo Shabaabka ka tirsan duqeyn cirka ah lagu dilay

Muqdisho Jan 27,2014(SDN)-Hogaamiye sare oo ka tirsan oo ka tirsan kooxda Al Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ka dhacaday gobolka Shabeelaha Hoose .

Hogaamiyahan oo la yiraahdo Sahal Iska-dhuuq oo xilga la khaarijiyay watay gaari ayaa la sheegay in ay aad isugu dhaw yihiin madaxa ururkaasi.

Dilkan oo ay geesteen duyuuradaha aaney cidi wadin ayaa waxa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan ciidamada dawlada Soomaaliya.

Dilkan ayaa qeyb ka ah bartilmaansi lagu hayo hogaanka kooxda Al Shabaab oo iyadu dagaal kula jirta duwal walba.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com