Uncategorized

Madaxweynaha Punt land oo Ku Baaqay Shirweyne Muqadas ka Dhigaya Midnimada Puntland oo ay ku Jiraan Gobolada Sool,Iyo Sanaag

Garowe 05.Feb 2014 (SDN)- Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland dhawaan loo doortay ayaa Baarlamaanka Maamulkiisa ka hor akhriyey khudbad uu ku baaqayo shirweyne dib isugu soo celin doona Beelihii waxa saxeexday Heshiiskii lagu yagleelay Puntland, isagoo ku tilmaamay inaan Midnimo la helayn illaa ay Puntland soo ceshato dhulka laga haysto.

IMG_0509Khudbada C/wali Gaas oo ku qotontay qorshe uu ku damacsanyahay in uu ku qabsado Goboladda Barrie e Somaliland waxa ay iyadoo qoran u dhignayd sidan:-Si aynu midnimo u helno maxaa loo baahan yahay?

Waxaa muhiim ah inaan ka shaqayno sidii aynu isugu  soocelin lahayn  dadkii Puntland wada asaastay, dadkii Puntland wada deganaa, dadkii wada saxiixday heshiiskii Puntland lagu yagleelay

Waxaa lagama maarmaan ah inaan qabano shirweyne looga hadlayo midnimada Puntland. Shirweyne lagu lafa gurayo sidii ay midnimada Puntland u noqon lahayd muqadas lama taabtaan ah, shirweyne lagu saxayo wixii khaldamay, lagu iftiiminayo wixii mugdi kala dhex galay, shirweyne lagu qotominayo tiirarka midnimada Puntland.

Mudanayaal & Marwooyin,  shirweynahaan waxaa  lagu marti qaadayaa  dhammaan qaybaha bulshada ee deegaamada Puntland ay ka kooban tahay, oo ay ugu horreeyaan issimada, cuqaasha, culuma’u diinka, bulshada rayidka ah,  iyo qurbajoogta Puntland.

Shirkaan waa shir lagu lafaguri doono sidii loo soo celin lahaa midnimadii Puntland isla markaasna horay loogu wadi lahaa wadajirka aynu hadda haysano. Ma noqon doono shir inta la isu yimaado oo la isla hadlo kadibna la iska kala tago, wuxuu noqon doonaa Insha Allahu, shir ay ka soo baxaan qodobo muhiim u ah Puntland. Waxaa intaas dheer in qodobada shirka ka soo baxa ay noqon doonaan kuwo la fuliyo ee aan meesha looga tagin

Mudanayaal & Marwooyin, sida ay midnimadu u leedahay tiirar muhiim ah ayaa hadana waxaa jira waxyaalo wiiqa midnimada, waxaa ka mid ah cadaalad darrada, shacabka oo dareema  inaan loo sinayn sharciga, mashaariicda iyo fursadaha oo aan deegaamada si cadaalad ah loogu qaybin. Waa waajib in adeegyada  bulshada si cadaalad iyo sinaan ah loo gaarsiiyo dhamaan deegamada Puntland, marna ogolaan mayno in caafimaadka, waxbarshada, biyaha,  booliska iyo dhammaan adeegyada bulshada la kala sad bursado

Waxaa kale oo lagu gaari karaa midnimada soo celinta dhulka Puntland ee ka baxay gacan ku haynta dawladda. Ma dhacayso in midnimo dhamaystiran dhacdo iyadoo aan dhulka oo dhan gacanta ugu jirin dawladda. Hadaba si aynu dhulka maqan usoo celino waxaa lagama maarmaan ah inaan isku duubnaano.

Si kasta oo ay ahaataba Khudbadda C/wali waa mid mar walba ka turjumaysa damacii uu kursiga ku fuulay ee ahaa Laascaanood baan dib u qabsanayaa, taasoo ay xukuumadda Somaliland kaga jawaabtay inaanay marnaba suurtogal u noqon doonin.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com