Uncategorized

Xildhibaano ka Difaacay Xoghayaha Dawlada Hoose ee Boorama eedo loo soo Jeediyay

Boorama 05.Feb 2014 (SDN)-Xubin ka tirsan xildhibeenada G/degaanka Boorama ayaa xoghayaha dawladda Hoose ee Boorama ka daafacay eedo dhawaanta loo mariyey qaar ka mid ah saxaafadda dalka ,isla markaana sheegay inaanay jirin wax isqabqabsad ah kala qaybsanaan ka dhex jirta xildhibeenada golahaasi .

Xildhibaan awdalXil.Xasan Muxumed Cumar ,laguna naaneyso Bisle ,ayaa waraysi uu warbaahinta siiyay waxa uu  meesha kaga saaray eedo dhawaanta loo mariyey warbaahinta dalka qaar ka mid ah Xoghayaha fulinta ee dawlada hoose ,kuwaasoo ku tilmaamay in xoghayaha dawladda Hoose ee Boorama uu ka amar qaato ,ama la safto Maayarka Boorama saleemaan xasan Xaddi marka la eego kala qaybsanaanta golahaasi dia lagu sheegay warbaaintaasi .

Xasan Bisle oo arrimahaasi ka hadlayaan waxa uu yidhi ‘dembi maaha ee waa shaqadiisa in mar kastaba la shaqeeyo cidda haysa maamulka magaalada ama guddoomyeheedaba,sababtoo ah isagoo waa dawladda dhexe ,xildhibeen maaha cod laga doonayo,waanu ku ammananyahay shaqada uu golahaasi u qabto inta uu xilka hayey oo kaba yar laba bilood .Waxan leehay cidda maanta eedeynaysa xoighayuhuna waa cid an doonayn in tallaabo maamul oo horumar leh la sameeyo ,mar kastana doonaysa in la is haysto oo an umadda wax adeeg ah loo qaban .Qaarbaa maalin kasta halkan ka yidhaa waa la is haystaa oo maayarka iyo kuyxigeenbaa is haysta ee na kala qabta ,waxan leehay way jirtay in mar uu khilaaf maamul dhacay ,wayna dhammaatay waana laga heshiiyey ,mana aha in lasii wadwado waxan macno lahayn ,mar kastan golaha la dhex dhigo muran dibudhac maamul mooyee am horumar keenaynin ,sidaa darteedna waxana leehay walaalahayga golah ka mid ah kulana talinayaa in la ilaaliyo anshaxa shaqo iyo anshaxa golaha meeshana laga saaro wax kasta oo xiisad ka dhex abuuri kara gpolaha dhexdiisa ,xogahayana lagu garab galo hawlaha uu dawladda dhexe iyo dadweynaha magaaladsaba u hayo,shalaybaa la lahaa xoghayaha ha la beddelo ,waa la beddelay oo ku cusubbaa la keenay ,laba bilood isagoon shaqaynbaa la leeyahay waa sidan iyo waa sidan waa hala muujiyo waddaninimo ,waxqabad iyo wada shaqayn golaha dhexdiisa ah”.

Boorama SDN.

Qurbejoog.com