Muqdisho:Feb-06-2014(SDN)-Waxa Magaalada Muqdisho ee Xarunta Dalka Somalia Ka Socda Dhaqdhaqaaqyadii ugu Dambeeyey ee Loogu Diyaargaroobayo Aaska Ra’isal Wasaarihii Hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Dhawaan KU Geeriyooday Dalka Maraykanka.
Guddiga Qabanqaabada Oo kulankoodii Labaad iskugu yimi ayaa ku Dhawaaqay in Maalinta Berri oo Jimce ah Lagu Wado inuu Aasku Dhaco, waxana ay Sheegeen in Aaskaas ay ka soo Qaybgeli doonaan Wufuud kala Geddisan oo Dalka Dibaddiisa iyo Gudihiisaba ka Socotaa.
R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in shirka gudigga ay isugu yimaadeen looga hadlay sidii habmaamuus qaran loogu sameyn lahaa Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen oo dhawaan ku geeriyooday dalka Maraykanka, waxaana uu tilmaamay in aaskiisa ay ka qeyb geli doonaan Madaxda dalka iyo xunbno kale oo dalka iyo dibediisa ka imanaysa.
“Waxaan maanta isugu nimid guddigii loo magacaabay aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen shirkeeni labaad, marka Marxuumka waxaa la keeni doonaa Jicmaha, isla maalintaasi ayaa lagu aaasi doonaan Muqdisho, sida caadiga ah garoonka waxaa lagu diyaariyay habmaamuuseedkii loogu talagalay aaska Marxuumka, waxaa kaloo imaanaya oo aaska ka qeyb galaya Ehelada, iyo wafuud ka kala socota gobollada dalka iyo dibediisa” ayuu yidhi R/wasaare ku-xigeenka.
R/wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa ugu baaqay shacabka inay ilaaliyaan deganaanshiyaha oo ay gacan siiyaan ciidamada ammaanka.
Wufuudda ugu sarraysa Somalia ayaa la Filayaa inay Aaskan ka Qaybgalaan, sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Ra’isalwasaaraha, Wasiirro iyo Xildhibaano badan oo kale.
S.D.N
