Hargeysa:Feb-06-2014(SDN)-Warar Hoose oo Shabakadda Qurbejoog.com ay ka Heshay Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa sheegaya in wasiir cukuse uu Amar Buuxa ku Siiyey Wariyayaasha Tv-ga Qaranka ee Goobaha ka Baxsan Hargeysa ka Soo Warrama inay Soo Duubaan oo Soo Diraan Warar lagu Taageerayo Tallaabadiisii uu Albaabada Ugu Laabay Universal TV.
Wasiirka oo ay Haatan si wey isu Hayaan Agaasimaha Tv-ga Qaranka, ayaa Hawsha Tv-ga Inteeda Badan Gacanta ku Haya, ayaa Tan iyo intii uu soo Saaray Amarka Tv-ga Lagu Xayiray, waxa uu Door Biday inuu Habeenkii Telefishanka Qaranka ka Buuxiyo Warar Laga Soo Duubay Dad Hadallo Cay iyo Aflegaaddo Qaawan ah ku Weeraraya Universal TV iyo waliba qabyaalad Qaawan oo ay hayaan qabaa’il Soomaaliyeed oo aan Waxba Galabsan.
Inta Badan Wariyayaasha Tv-ga qaranka Somaliland ku Leeyahay Gobolada ayaa Soo Diraya Warar ka Baxsan Anshaxa Suuban iyo Milgaha Saxaafadda Caalamiga ah, waxana si Toos ah looga Sii Daayaa TV-ga Qaranka, iyadoo La Fulinayo Amarka Wasiirka.
Arrintan ayaa ka Dambaysay Markii uu Wasiir Cukuse si Sharciga ka Baxsan oo Awooddiisa dibada ka ah u xayiray Tv-gaas, waxana uu Caydan iyo Aflegaaddadan uu Universal Tv La Daba socdo.
Bulshada Caalamka iyo Saxaafadda Somaliland, ayaa Gebi ahaanba Si weyn u cambaareeyey Tallaabada uu Wasiirku ku xayiray Telefishanka Hawshiisa Gudanayey.
S.D.N
