Ceerigaabo 08.Feb 2014 (SDN)- Weftigii Golaha wasiirada ee socdaalada shaqo ugu joogay Gobolka Sanaag ayaa maanta kormeer hawleed ku soo maray deegaanada bariga ka xiga degmada Ceerigaabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Wasiirka wasaaradda gaashaandhiga Md Axmed Xaaji Cali cadami, wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr saleebaan Ciise axmed (Xaglo toosiye) wasiirul-dawlaha wasaaradda maaliyadda Md Cismaan Cabdilaahi saxardiid (Caddaani) wasiirul-dawlaha wasaaradda waxbarashada Md Axmed Nuur faahiye iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda macdanta iyo tamarta Md cabdisalaan Maxamed xasan ayaa kormeer ku soo maray degmooyinka kala ah Jiidali, Carmale,Yubbe iyo Kulmiye, deegaanadaas oo ay si weyn ugu soo dhoweeyeen boqolaal dadweyne ah oo qaarkood ku dabaaldegayeen noocyada kala duwan ee fardaha.Kormeerka xubnaha wasiirada ayaa qayb ka ah u kuurgalka xaaladaha nololeed iyo bulsho ee deeganadaasi iyadoo wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr saleebaan Ciise axmed (Xaglo toosiye)) uu dhagax dhigay dhismaha cusub ee xarunta MCH-ka ee degmada Carmale oo hore looga fuliyey mashaariic dhinaca waxbarashada ah.
madax ka tirsan Gobolka sanaag iyo degmada Ceerigaabo oo ay ka mid yihiin badhasaab ku xigeenka Gobolka Sanaag iyo mayorka magaalada ceerigaabo ay xubnaha wasiirada ku wehelinayaan socdaalkooda.
Ceerigaabo SDN.
Qurbejoog.com
