Washington 08.Feb 2014 (SDN)- Dowlada Mareykanka ayaa mar kale ku celisay digniin ah in muwaadiniintooda ay u safraan Dalka Soomaaliya ay tilmaameen in xiligan ka jiraan qataro badan oo halis galin kara nolosha Muwaadiniintooda.
Wasaarada arrimaha dibada Maraykanka ayaa qoraal ay soo saartay muwaadiniinta dalkaas u dhashay uga digtay iney tagaan gudaha Somalia oo ay sheegtay iney kala kulmi karaan qatar dhinaca amaanka ah.
Warka kasoo baxay Dowlada Mareykanka ayaa lagu sheegay in Gobolada Dalka Soomaaliya wali ka jiraan xaalado badan oo dhinaca amaanka ah oon la isku haleyn karin , sida Dilalka , Qaraxyada iyo Afduub loo geesto dadka ajaaniibta ah.
Dowlada Mareyanka ayaa tilmaantay in ay jiraan xiligan Qataro dhinaca amaanka ah ay la kulmi karaan Dadka Reer Galbeedka ah iyo Muwaadiniintooda hadii ay u safraan Gobolada Dalka Soomaaliya.
Dowlada Mareykanka ayaa hore u soo saartay digniino tan lamid ah oo looga digayay in muwaadiniintooda u safraan Dalka Soomaaliya ay wali ka jiraan Dagaalo u dhaxeeya Kooxda Al-Shabaab iyo Dowlada Soomaaliya.
Washington SDN.
Qurbejoog.com
