Hargaysa 09.Feb 2014 (SDN)- Kulan ay maanta xarunta wasaaradda daakhiliga ku yeesheen guddida doorashooyinka, saddexda xisbi qaran iyo xukuumadda Somaliland oo ay metelayso wasaaradda arrimaha gudaha ayay ku kala saxeexdeen sidii isku mar loo wada qaban lahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo ta kale ee bixinta kaadhka dhalshada muwaadiniinta.

kulankaasi oo ahaa mid ay al-baabadu u xidhnaayeen isla markaana ay warbaahintu banaanka ka joogtay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta si wada jir ula hadlay wasiirka wasaaradda arrimaah guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde iyo guddoomiyaha gudidda doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (xamari).
Cali Waran Cadde wasiirka arrimaah guddaha oo ka hadlay waxa uu ku saabsanaa kulankaasi saddex geesoodka ahaa iyo qodobadii ay ku gorfeeyeen ayaa sheegay ay kaga wada hadleen sidii doorashadda soo socota ee sanadka 2015-ku ay u dhici lahayd wakhtigeeda, isla markaana inta wakhtigaasi ka horaysa loo samayn lahaa diiwaangelinta muwaadiniinta iyo ta codbixiyeyaasha.
waxaanu tilmaamay Waran cadde in ay isla waafaqeen sidii ay beesha caalamka gaar ahaana deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka ay cod midaysan ugaga codsan lahaayeen in ay maalgeliyaan diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, halka diiwaangelinta madaniga ah oo ay wasaaradda daakhiligu ka masuul tahayna loo wadi lahaa.
Cali Maxamed Waran Cadde, isaga oo arrintaasi faahfaahin ka bixinayayna waxa uu yidhi “Maanta waxaanu halkan ku kulanay madaxda axsaabta qaranka, gudidda doorashooyinka iyo anaga oo ah wasaaradda arrimaha guddaha, waxaananu kulankaasi ku gorfaynay sidii doorashadda sanadka 2015-ka ee soo socda ay ugu dhici lahayd wakhtigeedii, iyo sidii habkii ka horeeyay ee ahaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha iyo diiwaan gelinta madaniga ahba inta ka horaysa looga gaadhsiin lahaa, Waxaanu isla waafaqnay in aanu beesha caalamka cod midaysan kula hadalno sidii loo maalgelin lahaa diiwaan gelinta codbixiyeyaasha, wixii wasaaradda arrimaha guddaha iyo xukuumadu ka masuulka tahayna ee sida diiwaan gelinta madaniga ah loo wadi lahaa, isla markaana si wada jir ah hadhawto dadka loogu soo saari lahaa kaadhka codbixinta iyo kii dhalashadaba”.
wasiirka arrimaah guddaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Annaga oo sidii hore loogu heshiiyay labadaba is-barbar wadi doona labadubana ay wakhtigoodii ku qabsoomi doonaan, dhamaantoodna la dhameeyo inta aanu dhamaanin sanadkani 2014-ka sida sharcigu qorayo lix bilood ka hor doorashadda in uu qofku haysto kaadhka codaynta iyo ka dhalashadda labadaba ayaanu isla waafaqnay, Wixii aanu anagu hayno iyo wixii naga dhiman ee xagga deeq bixiyeyaasha ku maqana in aanu si wada jir ah u doono gaar ahaan kaadhka codbixinta oo aanay ilaa hada waxba ka bixin, tan kaadhka dhalashadana wasaaradda daakhiliga iyo dawladda ayaa wada, oo iyada kharashkeedii waanu haynaa, laakiin waa in aanu iyadna tii kalena doono si aanay u kala hadhin labada hab, hadhawna aanu meel midaysan ku soo saarno kaadhkii dhalashadda isla markiibana qofkii la siiyo kaadhkii codbixinta, oo aanu welibana labada dhinac ka wada shaqayno, haddii ay kaadhka dhalashada tahayna ay axsaabta iyo komishanku nagala qayb galaan sida aanuw ax u wadno, marka ay tahay ta kalena aanu hareeraha ka wada fadhino oo aanu si wada jir ah u wada shaqayno qaadhaan bixiyeyaasha caalamiga ah oo aanu filayno in ay yarro gal-galanayaana aanu xooga wada saarno, oo aanu u cadayno in aanu midaysanahay, dhaqaalahana aanu isla ogolnahay, codbixinta haddii aanu dawladda nahay ama ka wasiir daakhili ahaan in aanu qayb libaax ka qaadan doono sidii loo heli lahaa dhaqaalihi lagu wadi lahaa” ayuu yidhi Cali Waran Cadde.
dhinaca kale guddoomiyaha gudidda doorashooyinka Ciise Yuusuf Maxamed (xamari) oo isna warbaahin uga waramay waxyaabihii uu kulankaasi ku saabsanaa iyo qodobadii ay kaga wada hadleen, waxaana uu yidhi “Shirkan aanu maanta galnay waxaanu isugu nimid wasaaradda arrimaha guddaha, saddexda xisbi qaran iyo komishanka doorashooyinka qaranka, shirkaasi waxa uu ku saabsanaa diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ah nidaam ama hab ka dhexeeya wasaaradda daakhiliga, saddexda xisbi qaran iyo gudidda doorashooyinka, waxaanu isla waafaqnay in wasaaradda arrimaha gudduhu qaybteedii kaga aadanayd diiwaabeglinta codbixiyeyaasha ay ka soo baxayso waajibaadkii ka saarnaa”.
“Arrinta diiwaangelinta muwaadiniintana ay wasaaradda arrimaha guduhu u madax-banaan tahay oo ay gaar u leedahay, laakiin wixii diiwaangelinta codbixiyeyaasha kaga beegan in ay sidii uu xeerku ahaa ay u fulinayso oo ay waafaqsan tahay, isla markaana aanay xarqalad ku noqon doonin diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee soo socota, taasi ayaanu isla waafaqnay kuna kala saxeexanaynaa oo aanu doonaynaa in aanu dadka iyo caalambaa ogaysiino” ayuu yidhi Ciise xamari.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com
