Uncategorized

Muhaajiriin Somalia ah oo ay Ciidamada Liibiya Soo Badbaadiyeen

Tripoli 01.March 2014 (SDN)- Saraakiisha dowlada Liibiya ayaa sheegay in ciidanka ilaalada xeebaha ee dalkaas in ay shalay badbaadiyeen 107 qof oo tahriibeyaal Soomaali ah, kaddib markii doontii ay saarnaayeen ay ku dhowaatay in ay gaddoonto.

tahriibayaalToddobo qof oo ka tirsaneyd muhaajiriinta Soomaalida ah ayaa geeriyooday markii lagu tuuray badda si looga hortago doonta in ay quusto.

Col. Ayuub Qaasim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada badda ee dalka Liibiya ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in tahriibeyaasha oo lagu arkay meel dhowr meyl u jirta xeebta magaalada Tripoli ay isugu jireen rag, dumar iyo carruur.

Muhaajiriinta Soomaalida ah waxay doonta  ka raaceen xeebaha dalka Liibiya, waxayna ku sii jeedeen qaaradda Yurub.

Badda u dhexeysa dalalka Liibiya iyo Talyaaniga ayaa waxaa ku dhintay tahriibeyaal  badan oo Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallo iyo nolol-xumo ka jirta dalkooda.

Tripoli SDN.

Qurbejoog.com