Muqdisho 01.March 2014 (SDN)- Ururkii Xisbul Islaam ee horay ugu biiray Al-shabaab ayaa manta eedeyn u jeediyay Hogaamiyaha Kooxdaas Axmed Godane, iyagoo ku eedeeyay in uu mas’uul ka yahay dilalka ka dhaca Koonfurta Somalia.
Mas’uul u haday Ururkan ayaa sheegay in Godane uu bixiyo amarada lagu dilayo dadka Waxgaradka ah ee ku nool Koonfurta Somalia, sida Dhakhaatiirta, Culumada iyo Aqoonyahanada, isagoo xusay in taasi ay qayb ka tahay qorshe indhaha looga tuurayo Shacabka Soomaaliyeed.
“Godane wuxuu caado ka dhigtay inuu laayo dadka waxgaradka u ah Bulshada oo uu indhaha ka tuuro” ayuu yiri Xoghayihii Arimaha Dibada ee Xisbul Islam Sh. Max’ed Macalin Cali oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.
Sh. Maxamed Macalin ayaa intaas ku daray in Al-shabaab ay dhibaato fara badan ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in Ururkooda uu diyaar u yahay in uu furo wada-xaajoodyo siyaasadeed oo horumar u horseedaya dalka.
Xoghayahan ayaa dhinaca kale ugu baaqay DF Somalia inay xabsiga kasii dayso Sh. Xasan Daahir Aweys oo ah hogaamiyaha kooxda, isagoo sheegay in taasi ay sabab u noqon karto hanaanka dib u heshiista dalka uu noqdo mid horay u socda.
“Inaga ka Xisbul Islaam ahaan waxaa naga go’an inaan xaalada dalka uu ku sugan yahay aan kala hadalno cid walba oo mudan in lala fariisto, si dalka oo dhan loogu soo dabaalo nabad” ayuu yiri Sh. Maxamed Macalin.
Shirka jaraa’id ayuu sarkaalkan ka akhriyay qodobo ay soo saareen, kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen in ururkooda uu qaatay inuu galo wada-xaajood nabadeed, ayna kazoo horjeedaan mowqifka guracan ee Al-shabaab sida uu hadalka u yiri.
“Waxaan kasoo horjeednaa ciidamada AMISOM ee dalka ku sugan, waxaana dadka Soomaaliyeed oo dhan ugu baaqaynaa inay ka shaqeeyaan Midnimada dalka ayna kax horjeestaan in dalka uu gacmo shisheeye galo” ayuu xoghayuhu hadalkiisa ku daray.
Ugu dambeytii Sh. Maxamed Macalin wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay inay ugu baaqayaan DF Somalia inay xabsiga kasii dayso Sh. Xasan Daahir Aweys oo uusan wax tafaasiil ah ka bixin xaalada uu ku sugan yahay.
Kooxda Xisbul Islaam oo ka mid ahayd Ururadii Islaamiyiinta ahaa ee Koonfurta Somalia ka jiray ayaa waxay sanadkii 2010 ku biireen Al-shabaab, taasoo keentay in Xubno Ururkaas ka mid ah ay ka biyo diideen go’aankaas oo uu ku qanacsanaa Sh. Xasan Daahir oo u xiran DF kadib markii uu khilaaf soo dhexgalay Al-shabaab.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
