Boorama 03.March 2014 (SDN)- Madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil [ saylici] ayaa maanta xadhiga ka jaray laba ceel biyood oo ay hirgalisay shirakadda biyaha shappa ee magaaladda borama.
Madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxaan cabdilaahi ismaaciil [saylici] iyo wafti uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiirka wasaaradda biyaha jsl iyo wasiiru dawlaha wasaaradda maaliayadda ayaa kormeer shaqo ku jooga xarunta gobolka awdal ee borama waxaana xafaldii loo sameeyay xadhig ka jarka ceelashaasi ka hadlay gdoomiyaha shirakadda shappa maxamed nuur faahiye oo ka waramay sooyaalkii taariikheed ee ay soo martay shirkaddu islamarkaan tilmaamay in maanta meel fiiican ay marayso oo biyihii soo gaadhsiisay dhinaca galbeed ee magaalada borama waxaanu intaa raaciyay fidinta biyaha ee dhinaca galbeedka in ay ku baxday lacag dhan 244 kun oo dolar looguna talo galay in ay ka cabaan 200 oo qoys.
Wasiirka wasaaradda biyaha jsl md xuseen axmed cabdalle oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ku amaanay shirakadda shappa adeega ay u hayso bulshadda reer borama waxaanu intaa kudaray iyagoo wasaarad ahaan ka duulaya culasyska adeega biyo qaybintu uu leeyahay in ay wasaarad ahaan u kordhiyeen lacagtii shirakaddu ay qaadi jirtat macmiisheeda dhinaca biyaha lacagtaa oo dhan 80 shilin oo Somaliland oo bilaabantay sanadkan cusub.
Madaxweyne ku xigeenka jsl md cabdiraxmaan cabdilaahi ismaaciil [ saylici] oo ka hadlay xadhig ka jarkaas ayaa ku amaanay shirakadda shappa horumarinta ay ku samaysay adeega ay bulshadda u hayso waxaanu tilmaamay in heshiiskii hore ee ay dawladu la gashay shirkaddu in uu ahaa in ay hawlaha biyaha gacanta ku hayaan mudo toban sano islamrkaa hadii ay wadi kari waayaan lagla noqdo ruqsada balse shirkadda shappa ay ku guulaysatay in ay soo wado taasoo loo cusboonaysiiyay heshiiskii.
Madaweyne ku xigeenku waxa sidoo kale uu ka hadlay mashaariicada horumarka kala duwan ee xukuumaduu ay ka wado dalka gaar ahaan dhinayacayada wadooyinka oo uu xusay in ay dhagax dhigeen 380 kiiloomitir ee u hopreeyay ee wadada ceerigaabo iyo burco.
Waxa iyana hadalo la xidhiidha xafladaasi halkaasi ka soo jeediyay wasiiru dawlaha wasaarada maaliayadda ,gudoomiye ku xigeenka gobolka awdal ahna ku simaha gudoomiyaha gobolka iyo maayirka magaaladda borama oo shirakadda shappa ku amaanay waxqabadkeeda.
Weftiga madaxweyne ku xigeenka waxa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay intii aanu gaadhin xarunta gobolka awdal ee borama magaalooyinka dilla iyo goryo cawl oo uu kulmo kula yeeshay waxgaradka iyo maamulada ka jira deegamadaasi.
Boorama SDN.
Qurbejoog.com
