Muqdisho 04.March 2014 AMISOM,ayaa qaadacday inay aqoonsato Maamul-goboleedka Koonfurgalbeed Soomaaliya oo shalay lagaga dhawaaqay magaalada baydhabo ee gobolka Bay.
AMISOM,ayaa tilmaantay inay Dawladda Soomaaliya ku raacsan tahay diidmada ay diiday inay Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya aqoonsato iyadoo ku sababaysay inaan doorashada ka dhacday magaalada Baydhabo waafaqsanayn dastuurka dalka Soomaaliya u yaalla.
Danjire, Maxamed Saalax Anaadiif, ayaa qoraal uu soo saaray maanta ku sheegay inay taageerayaan halka ay dowladda Soomaaliya iska-taagtay shirarka iska horjeeda ee Baydhabo ka socda, isagoo xusay in AMISOM ay ku taageerayso dowladda qorshayaasha ay ku sameynayso maamul- goboleeddada ay dalka ka samaynayso.
“AMISOM waxay taageeraysaa go’aanka dowladda ee ku aaddan maamul sameynta gobollada dalka ee waafaqsan dastuurka dalka. Sidoo kale waxaan taageeraynaa heshiiskii bishii Ogoosto lagu gaaray Addis Ababa, waxaana dhinacyada ay quseyso arrinta maamul sameynta aan ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan xasilloonida; ayna ku saleeyaan maamul sameynta dastuurka dalka u dagsan,” ayuu yidhi Dajire Anaadiif.
Go,aanka ay AMISOM ku raacday Dawladda Soomaaliya,ayaa dabar hor leh ku noqonaya Maamul-goboleedka Koonfur-galbeed Soomaaliya ee Baydhabo lagaga dhawaaqay.
Wali ma jirto wax wada hadal ah oo dhex maray Maamul-goboleedka cusub ee Koonfur-galbeed Soomaaliya iyo Dawladda Soomaaliya ee diidan jiritaanka Maamul-goboleedka cusub waxaanay taasi sii adkaynaysaa in xidhiidh wada shaqayneed dhex maro labada dhinac inta ay dawladda Soomaaliya diiddantahay jiritaanka Maamulka cusub.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com
