Baydhaba 23.March 2014 (SDN)- Dibadbax rabshado wata oo looga soo horjeeday wafdi ka socda DF ayaa maanta ka dhacay magalada Baydhabo xarunta Gobalka Bay.
Banaanbaxaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay madaxda mamulka lixda gobal ka kooban ee uu madaxwaynaha ka yahay Madoobe Nuunow waxana wadooyinka qaar lagu arkayay dadwayne aad u faro badan oo diidan wafdi uu hoggaaminayo Shariif Xasan Shiikh Aadan.
Afhayeenkii hore baarlamanka Somalia Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si wayn ugu olalaynaya mamulka saddexda gobal ka kooban ee dhismihiisu ka socda magalada Baydhabo waana tan keentay in mamulka lixda Gobal uu maanta diido in Baydhabo uu soo gaaro isaga iyo xildhibaano badan uu hoggaaminayay.
Madaxda mamulka Madoobe Nuunow ayaa markii danbe looga yeeray xarunta AMISOM ee Baydhabo waxana lagu wargaliyay inay joojiyaan xiisada iyo dagaalka wafdigan lagala hor yimi.
DF ayaa sheegtay inuu sharci daro yahay mamulka lixda gobal ka kooban ee lagu dhisay magalada Baydhabo iyagoona taa badalkeeda sheegay inay ogal yihiin mamulka saddexda gobal oo aan ka hor imaanayn heshiisyii DF & mamulka Jubba.
Ammaanka wafdiga Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si wayn loo adkeeyay waxana lagu wadaa dhamaadka bishaan in magalada Baydhabo looga dhawaaqo mamulka saddexda Gobal ee Koonfur Galbeed.
Baydhaba SDN.
Qurbejoog.com
