Uncategorized

Hawl Wadeen ka Tirsan Hay’ada Bisha Cas oo Lagu dilay Magaalada Laascaanood

Laascaanood 06.April 2014 (SDM)- Mid ka mid ahaa howlwadeennada hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xili uu ku sii jeeday xafiiskiisa.

Laascaanood1Madaxa hay’adda ee gobolka Sool, Shaakir Maxmuud Warsame  ayaa  xaqiijiyay dilka marxuumka.

Shaakir ayaa tilmaamay in nin hubaysani rasaas la dhacay marxuum Cabdullaahi Orshe oo markaas u socday xafiiskiisa.

Guddoomiyaha ayaa intaas  ku daray in booliska degmada Laascaanood uu markiiba qabtay gacan ku dhiiglaha.

Mas’uuliyiinta maamulka iyo kuwa amniga Laascanood ayaan wali ka hadlin dilka ninka ka midka ahaa howlwadeennada Bisha Cas ee Laascaanood.

Laascaanood SDN.

Qurbejoog@gmail.com