Laascaanood 06.April 2014 (SDM)- Mid ka mid ahaa howlwadeennada hay’adda Bisha Cas ee Soomaaliya ayaa maanta lagu dilay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xili uu ku sii jeeday xafiiskiisa.
Madaxa hay’adda ee gobolka Sool, Shaakir Maxmuud Warsame ayaa xaqiijiyay dilka marxuumka.
Shaakir ayaa tilmaamay in nin hubaysani rasaas la dhacay marxuum Cabdullaahi Orshe oo markaas u socday xafiiskiisa.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in booliska degmada Laascaanood uu markiiba qabtay gacan ku dhiiglaha.
Mas’uuliyiinta maamulka iyo kuwa amniga Laascanood ayaan wali ka hadlin dilka ninka ka midka ahaa howlwadeennada Bisha Cas ee Laascaanood.
Laascaanood SDN.
Qurbejoog@gmail.com
