Uncategorized

Dafiraaddii Muungaab Ee Degmada Kaxda Oo Keentay in In Afhayeenkii Gobolka Banaadir Uu Xilkii Uu Hayey Iska Casilo

Muqdisho:May,05,2014(SDN/QJ)-Waxa Magaalada Muqdisho ku shaaciyey inuu xilkii uu hayey iska casilay  Cabdibaasid Maxamed Cabdiraxmaan oo ahaa Af-hayeenka Gobolka Banaadir.

waraayAf-hayeenkani waxa uu sheegay in uu xilkaas iska casilay kaddib markii uu la shaqeyn waayay guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Xasan Xuseen Muungaab oo markii horeba xilkan u dhiibay.

Waxa  kale oo sheegay afhayeenkii hore in tan iyo markii loo magacaabay xilkaas in uusan shaqeynin oo uu markasta rabay in uu iska casilo xilka loo magacaabo laakin uu Hadda go’aansaday in uu shaqada katago.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha sababay in uu iscasilo afhayeenkii gobalka Banaadir oo xilkaas hayay muddo bil ah, waxase jira Tuhuno muujinaya inuu khilaaf dhex maraya isaga iyo Guddoomiye Muungaab.

Sida ay Sheegayaan wararka hoose ee arrintan ka soo baxayaa, waxa khilaafka ugu weyni ka bilaabmay markii uu Guddoomiye Muungaab diiday inuu Degmada kaxda u aqoonsado degmo, taasoo uu Af-hayeenkuna aad uga soo horjeestay.

Degmada Kaxda ayaa ah Halka uu Afhayeenku ka soo jeedo, waxana uu la kulmay Cadaadis ka dhan ah arrinta uu Guddoomiyie Muungaab aaminsan yahay, iyadoo markii dambena ay taasi keentay inuu xilka ka tago.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Gen Muungaab ilaa hadda kama hadlin iscasilaada afhayeenkiisa.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com