Muqdisho:May,05,2014 (SDN/QJ)-Gebi ahaanba Bulshada Caalamka ku nool waxa soo Foodsaaray Baqe laga qabo Xanuun Cusub oo Bilooyinkii ugu dambeeyey faro baas ku hayey dalka Sucuudiga.
Xanuunkan cusub oo Faraska Keena Loogu magac daray coronavirus, heerka dhimashadiisuna ay tahay ku dhawaad 30% dadka uu ku dhaco, ayadoo meelaha qaar ay dhimashadu gaadhay in kabadan 75% ayaa wuxuu billaabay in uu ku fido dunida inteeda kale ayadoo wadamada qaar ey billaabeen dajinta qorshooyin caafimaad oo looga hortagayo Fayraska korona.
Fayraska Korona wuxuu sababaa xaalad halis ah oo loogu magacdaray Middle East Respiratory Syndrome (MERS) oo lagu yaqaano calaamado la xidhiidha neef-mareenka sida qufac, curnaan, san-biyood, neefta oo qofka ku yaraata, feedha xanuun, feebaro ama xumad, iyo sidoo kale hawlgabka kelyaha (kidney failure).
Fayraska Korona waxaa lagu kala qaadaa hawada, fursada in laga badbaadane kama badna surtagalnimada in loo geeriyoodo, sidaa darteed ayaa wadamada aduunka waxey bilaabeen kahortaga halista Fayraskan, laakiin Maamullada soomaalidu wali kuma baraarugsana.
Gebi ahaanba soomaalidu waxay Xidhiidh dhaw la leedahay boqortooyada Sacuudiga oo uu cudurku ka dillaacay ilaa iyo hadane uu u geystay dhibaatada ugu badan, maalin kasta waxaa u kicitima boqortooyada kanasoo laabta dhowr duulimaad oo sida boqolaal Soomaali ah, hal bukaan oo kamid ah rakaabka boqolaalka ah ee maalin kasta kasoo daga garoomada dalka ayaa halis galin kara nolosha kumanaan muwaadiniin Soomaali ah.
Maadaama Aan la awoodi doonin in la xakameeyo sababo la xidhiidha liidnaanta adeegyada caafimaad ee dalka, sidaa darteed ayaan warbixintan kusoo jeedinayaa talooyin kuwada socda sadaxda jaho ee ay quseyso arintan, wasaaradaha caafimaadka ee Maamullada Somalida, waaxaha socdaalka, iyo wasaaradaha arimaha dibada.
Talooyinka Warbixintani siinayso Waaxaha aynu kor ku soo sheegnay ayaa noqonaya sidan:
1. Ayadoo la raacayo mar kasta adeega “Corona map” ee uu hirgaliyay ururka caafimaadka aduunka WHO, in Safaarada Soomaalida uga furan dowlad kasta ee uu cudurku gaadhay, gaar ahaan Sacuudiga, ku waajib yeesho muwaadiniinta Soomaaliyeed ee doonaya in ay ku laabtaan dalka iyo ajaaniibtaba warqad caafimaad oo cadeyneysa in muwaadinkan ama ajnabigan uusan xambaarsaneyn Fayraska Korona, islamarkaane shirkadaha duulimaadyada lagu waajib yeelo in aysan qaadin Qof aanan heysanin warqad caafimaad oo safaarada ama qunsuliyada magaaladiisa eysan Shaambadaynin, Qorshahan waxaa mustaqbalka loo ballaadhin karaa guud ahaan cudurada fida sida ay safaaradaha aduunkuba sameeyaan.
2. In gudaha dalka laga hirgaliyo wacyigalin guud oo la xidhiidha cudurkan iyo calaamadaha lagu garto, islamarkaana sheybaadhada Soomaalida loo sameeyo aqoon-korosi la xidhiidha Fayraskan.