Nairobi May 05,2014(SDN/QJ)-Xisbiga mucaaridka ah ee ODM ee dalka Kenya ayaa soo jeediyay in ciidamada Kenya laga soo saaro dalka Soomaliya si loo helo nabad.
Xisbiga ODM ayaa sheegay in shacab badani dhimanayaan inta ay ciidamada Kenya ku jiraan Soomaaliya isla markaana ay xaaladu gacanta ka sii baxeyso.
Siihayahay guddoomiyaha ODM Anyang Nyong’o ayaa dalbaday in dawladu soo bandhigto dhabe ciidamada Kenya looga soo saaro Soomaaliya.
“Mowqifkayagu xibi ahaan waa dal ahaan doorkayagii waanu ka qaadanay arimaha Soomaaliya,khaasaarena waa uu naga soo gaaray,iminkana waxaaanu ku khasbanahay in aanu dawlada weydiino dhabaha ciidamada looga soo saarayo”ayuu yiri Nyong’o.
Mr Nyong’o ayaa sheegay in beesha caalamku balan qaaday in ay door ka ciyaaridoonaan nabadeynta Soomaaliya balse aaney taasi dhicin.
Hadalka Madaxa ODM ayaa ku soo beegmaya xili ay gaalooyinka Mombasa iyo Nairobi ruxen qaraxyo maalmihii u danbeeyay.
SDN/QJ-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com
