05,May,2014(SDN/QJ)-wararka aanu hadda ka helayno Magaaladda Balad-xaawa,ayaa sheegaya inuu halkaasi ka soconayo Dagaal Xoogan oo u dhaxeeya Ciidamo ka wada tirsan Dawladda Somalia oo kala taageersan Maamuladda Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ee Somalia.
Ilaa hadda si rasmi ah looma oga Khasaaraha Rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka,balse sida ay sheegayaan wararka hor dhaca ahi Dagaalka ayaa waxa ku dhintay ugu yaraan hal qof oo Haweenay ah,iyada oo ay jiraan tiro kale oo dhaawac ah oo u badan dhinacyadda Awoodda Gacan ku hayneed ee Magaaladda ku loolamaya.
SDN/QJ-Balad-xaawa
