05,May,2014(SDN/QJ)-Madaxweynihii Hore ee DKMG ee Soomaaliya laguna soo Doortay 2000 shirkii ak dhacay Degmada Carta ee Wadanka Jabuuti Dr Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ka hadlay Xaalada Wadanka,Amaanka Muqdisho iyo Baaq uu u jeediyay Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Dr Cabdiqaasim ayaa sheegay in sugitaanka Amniga Muqdisho ee Dowlada Federaalka uu yahay mid aan wanaagsaneyn waxa uuna xusay in Habac Weyn uu jiro Dhinaca Amniga Caasimada Muqdisho.
Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynihii Hore ee Dowladii KMg ee Soomaaliya ,ayaa Tibaaxay in Loo Bahaan yahay in la Xoojiyo Amniga Caasiamda Muqdisho oo mudooyinkaan ay soo badanayeen Dilal qorsheysan iyo qaraxyo,isago arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi
‘ Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaan leeyahay waa inaad wax ka qabtaan amniga Caasimada Muqdisho si dhaqso ahna wax looga badalo habka sugida Amaanka Caasimada.
Waxa uu ku nuuxunuuxsaday In Dowlada Federaalak Xil ka saaran ayahy sugitaanka Amanaka Xildhibaanada Soomalaiyeed ooq aar ka mida Lagu dilay Mudooyinkii la soo dhaafay Caasimada Muqdisho isgaoo hoosta ka xariiqay Hadii aan la helin Amni loo sameeyo Xildhibaanada in markaasi ay sii kordhayaan Diallaka qorsheysan e eloo geysanayo.
sidoo akle waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in ay sii kordhaan diallaka qorsheysan e eka dhacaya Caasiamda Muqidsho iyo qaraxyada isagoo ku baaqay in iskaashi mideysan ay yeeshaan Shacabka iyo Dowlada Labadaba si wax looga qabto dhibaatooyinka ka socda caasimada Muqidsho
SDN/QJ-Hargaysa
contact@somalidiasporanews.com
