Uncategorized

Jamaac Riyo Oo Soo Saaray Hees Labaad Oo Hogaaminta Siilaanyo Ku Durayo

riyo05,May,2014(SDN/QJ)- Abwaan Jaamac Riyo oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland,ayaa shaaca ka qaaday Heestii labaad ee uu ku dhaliilo Hogaaminta Madaxweyne Siilaanyo.

Heestani cusub ayaa waxaa Ereyadeeda ka mid ah “Nasiibka iyo Hoodadaada Huga ku mataansanoo, habeenkaagaa Madoow”.

Abwaan Jaamac Riyo ayaa sheegay in ay dabba Socoto Heestani tii uu sanadkii hore uu sameyey ee la odhan jiray “Diir iyo ayax oomanoow ka data”

Waxaanu yidhi.“Heestan labbaad ee aan soo waddo waxa la yidhaahda (Haf), waxa la yidhi fardaha, Dumarka iyo Hogaamiyaasha waxay isku dhaafan nasiib, tusaale ahaan Gabadhaasi hoodey leedahay, faraskaasi hoodu leeyahayo duulanka lagu gallo waa laggu soo guuleystaa, Taliyahaasi hoodu leeyahayo taladiisa lagu meel maraa, marka Ereyada heesta waxaa ka mid ah.

“Nasiibkiyo Hoodadaada,

Hungo ayaa ku mataansanoo

Habenkaagaa Madow.

Waxaad Hoodaamisaaba

Hed iyo Dhiig Bay Tagaan.

Awlaada u loogan Haadka

Badaad ka Horjooganlayde .

Waayeel Cunay Heeryadiisa

Hogaan Lagu Guul Daraystay

Sharlow ugumaad horayne.

Hirkaa Dheereen Ku saaray

Dabayli ha kaa Haftee.

Waxaad Ku Hagagsanayd,

Hayaayda iyo Caytankee

Sidaadii Hore Ku Noqo.

Abwaan Jaamac Riyo oo ka hadlaya Sababata ka danbaysa in uu Siilaanyo heestan u tiriyo waxa uu yidhi“Runtii anigu hogaaminta madaxweyne Siilaanyo waxay illaa muuqataa mid habeenkeedu modow yahay, Nasiibka iyo Hoodadaad hungo kumataansano habeenkaaga madoow, macnaha intaasi waxay tahay haddii xabad cirka ay u ridaan qofbay ku dhacda, wafti haaddii uu u baxo waad aragteen waxa gaadhi qalimaya, waxa kolba meel wasiiro la jiidhayo, aad iyo aad ayuu u nasiib xuntahay hogaaminta Xukumada Siilaanyo.

Xildhibaan Abwaan Jaamac Riyo ayaa Shacabka Somaliland baaq u diray waxaan u soo jeedinayaa in mudada u hadhay Xukumada Siilaanyo ay u samraan maalinta codka gaadhan ay is dhaafiyaan.

Dhan kale waxa uu Abwaanku sheegay in heesaha uu u tirinayo Xukumada Siilaanyo aanu joojinayn tan iyo inta meesha ay ka baxayso, waxa kale oo uu cambaareyey fanaaniinta la sheegay in xukumadu Dalalka Qurbaha ka soo waaridayso si ay wakhtiga 18-ka may uga heesan dalka.

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com