Uncategorized

Muj:Cali Guray Oo Ka Hadlay Safarka Wasiir Xaglo-toosiye Ee Magaaladda Buuhoodle

cakl05,May,2014(SDN/QJ)-  Siyaasiga Cali Guray,ayaa ka hadlay Aragtidiisa ku aadan Safarka Taariikhiga ah ee Markii ugu Horaysay Taariikhda uu Wasiir Somaliland ka socdaayi uu ku tago Magaaladda Buuhoodle.waxaana uu sheegay inay tahay talaabo Hore loo qaaday oo gacan weyn ka gaysan karta in dadka reer Somaliland ay Hoose oo bilaa Turxaan ah U dhamaysan karaan Waxayaabaha ay kala tabanayaan.

Dhinaca kalena waxa uu sheegay in hadiin sidauu sheegay ay Madaxtooyadda Somaliland ka dayso Gacan-bidixaynta Guul wax Ku-ool ah laga gaadhi karo Arimaha Goboladda Bariga Somaliland,gaar ahaana Buuhoodle.

Waxaana arimahaas kaga hadlay Qoraal Kooban oo uu soo dhigay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook.waxaana uu dhignaa Qoraal kaasoo dhamays tirani sida tan : “Waa Guul in wasiir Somaliland ihi markii ugu horeysay magaalada Buuhoodle sidaa u dhex mushaaxo isaga oo u kuur gelaya xaaladda dadka iyo degaanka. Hadii aan xagga madaxtooyada laga curyaamin safarkan wasiirku wuxu horseedi karaa guul wax-ku-ool ah oo ina gaadhsiin karata SOMALILAND ISU DHAN.

Sidaa daraadeed waan hambalyaynayaa Wasiirka Caafimaadka, dadwaynaha reer Buuhoodle na waan ku amaanayaa talaabadan ay qaadeen mana aha mid aan la yaabanahay ee waa tu aan uga Fadhiyay. Waxan leeyahay NOOLAADA NOOLAADA NOOLAADA WALAALAYAAL NOOLAADA”

SDN/QJ-Hargaysa

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com