Uncategorized

Xulufo Is bahaystay oo ka Mid ah Axsaabta Qaranka oo Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyay Dalab ku aadan Shuruud la’aan inuu ku fasaxo Wargaysyada Haatuf iyo Hubaal

Hargaysa 05.May 2014 (SDN/QJ)- Xulufo ka mid ah Hormuudka Somaliland ayaa Madaxweynaha Somaliland u gudbiyey Dalab ah in si bilaa Shuruud ah loo sii daayo Wargeys-yada Haatuf,Somalilandtimes iyo Hubaal. Masuuliyiin ka mid ah Xisbiyada Mucaaradka ah oo Qoraalka Madaxweynaha ay u gudbiyeen faahfaahin ka bixiyey ayaa sheegay in ilaa 350 Qof saxeexeen Codsiga Madaxweynaha loo gudbiyey.

isbahaysi“ Waxaanu Madaxweynaha u gudbinay Warqad ay ku saxeexan yihiin labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo Ucid, Madasha Toosinta, Ururada Bulshada, Xarunta Xuquuqal Iisaanka(Human Right Center), Aqoon yahano Madax banaan, labada Gole Baarlamaan. Warqadan oo Runii dad gaadhaya 350 Qof oo aan odhan karo waa Hormuudkii Umaddu ay ku saxeexan yihiin, waxaanu Madaxweynaha kaga codsanaynay inuu si Bilaa shuruud ah xayiraada uga qaado Wargeys-yada Xidhan.” Ayuu yidhiCabdiqani Ibraahin Salaf Xoghayaha Arimaha gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada Xisbiga Ucid.

Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ahna Gudoomiye xigeenka 1-aad isna Sheegay inay ka soo hor jeedaan wax kasta oo sharci daro ah “ Dalkani waa dal Dimuqraadi ah, Saxaafadduna waa halka kaliya ee qofku ku cabiri karo Shucuurtiisa, mana jeclin haddaanu nahay Xisbiyada Mucaaradka ah wax meel ka dhac ku ah Xisbiyada Sharciga cidi gaysatana waa in Sharciga la mariyaa. Waxaan Sharci ahayn oo dhan ayaanu ka soo hor jeednaa oo qofku hadduu dambi galo waa in Sifo sharci ah loo maraa, marka dambi ku cadaadana waajibaadkiisa la mariyaa.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Gudoomiye Axmed Muumin Seed oo hadalkiisa sii wata waxa uu sharci daro ku tilmaamay Xadhiga wargeysyada Xukumadda Somaliland xidhay “ Kiisku hadda maxakamadda ayuu ku jiraa, laakiin waxaanu aaminsanahay inaan markii hore sifo Sharci ah loo marin. Marka hore waa in warqad qoraal ah la gudbiyo, dabadeedna loo yeedho, ka dib marka Kiisku ku cadaado ayaa la xidhi karaa Wargeys-ka, laakiin iyagoo waan waxba ku cadaan ayaa Jaraa’idka la xayiray taas ayaanu aad uga xunahay.” Ayuu yidhi Axmed Muumin.

Xubnaha Codsigan isku bahaystay ayaa sheegaya inay Kalsooni ku qabaan in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud ka aqbali doono Codsigooda islamarkaana la fasixi doono wargeys-yada Xayiran. Waa markii u horaysay ee Codsi noocan ah ay u gudbiyaan dhinacyadan oo isbahaystay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo aan la saadaalin Karin Jawaabta Madaxweyne Siilaanyo ka bixin doono.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com