Muqdisho 05.May 2014 (SDN/QJ)- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo tiradoodu dhantahay 130 xildhibaan,ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay inuu is-casilo taasoo ay ku sababeeyeen in sii joogistiisa aan lagaga baxayn dhibaatada siyaasadeed iyo nololeed ee dalka Soomaaliya ka taagan.
Xildhibaannada baaqa soo saaray,ayaa tilmaamay in aanay Soomaaliya dhibaatada kaga baxayn Raysal-wasaare marba la bedelo iyagoo tilmaamay in loo baahan yahay in is bedel lagu sameeyo jagada ugu sarraysa dalka oo ah Madaxweyaha .
Xildhibaannada,ayaa ku hanjabay inay moosin ka dhan ah keeni doonaan golaha baarlamaanka hortiisa isla markaana sifo sharci ah ku eryi doonaan Madaxweyne Xasan haddii uu baaqooda aqbali waayo.
“Nuxurka bayaankeennu wuxuu xambaarsanaa laga soo billaabo sannadkii 2012-kii qaabka dalka lagu hoggaamiyo kuma qabansana inta badan xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya oo ay u muuqdaan dhaliilo badan, haddii aan hadda wax laga qabanna ay adag tahay in dalka uu geli karo xaalad mugdi ah marka la gaaro sannadka 2016-ka,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa xildhibaannadii maanta kulanka ku yeeshay Muqdisho.
“Haddii ay noqoto in madaxweynuhu uu baaqeennan aqbali waayo waxaan mari doonaa sida uu sharcigu qabo oo aan mooshin ka geyno, maadaama dastuurka uu ogol yahay in saddex meelood laba meel tirada baarlamaanka ay mooshin ka keeni karto madaxweynaha,”
Mar la weydiiyay xildhibaanka in sannadkii hore ay kasoo gudbeen khilaafyo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Raysal-wasaarihii hore ee Soomaaliya, arritanna ay tahay dhibaato kale, ayaa wuxuu ku jawaabay in.
“Halka ay sartu ka qudhunsan tahay ma ahan Raysal-wasaare la bedelo, balse waa in la bedelo hoggaanka sare ee dalka, waayo waxaa muuqata in dhamaan howlihii dalka lagu hoggaamin lahaa ay kusoo ururtay laba iyo saddex qof, mana ka bixin karaan dhibaatadii uu labaatanka sano ka badan kusoo jiray,” ayuu mar kale yidhi xildhibaan Cabadiqaadir Cosoble.
Xildhibaanka oo la weydiiyay in Dawladdaba wakhti yari u hadhay isal makaana ay ahayd in wakhtigeeda la daayo intay dhamaysanayso,ayaa ku jawaabay.
“Haddii hadda aan wax laga qaban arrimaha taagan, waxay noqonaysaa in dalka uu kusii jiro xalaaddii uu ku jiray sannad iyo barkii lasoo dhaafay, waayo waxaa la rabay hadda in la diyaariyo guddi doorasho, fereraalka in dalka laga hirgeliyo, in la sameeyo maxkamad sare iyo in la sameeyo dhammaan guddiyada uu qorayo dastuurka, waana kuwaas kuwa dhiilladaan nagu dhalinyay, taasoo ah in aanay waxba horay u socon.”
Muqdisho SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
