Uncategorized

Madaxda Waddani oo Kulan Gaar ah la Yeeshay Gudoomiye Muuse Biixi,Kuna Hambalyeeyay Cadaynta Hankiisa

Hargaysa 05.May 2014 (SDN/QJ)- Masuuliyiinta ugu sarsaraysa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa la sheegay inay kulan ay la yeesheen ku hambalyeeyeen Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

Sida ay cadeeyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay masuuliyiinta ugu sarsaraysa Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa kulan kooban oo ay la yeesheen Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ay hambalyo ugu gudbiyeen.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye shanka sano ee soo socota ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan tartanka madaxtinimada ee Xisbiga Kulmiye.

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa cadeeyey inuu madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo kula tartami doono Xisbiga dhexdiisa, taas oo ay soo dhaweeyeen taageerayaasha Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye.

Kulankan kooban ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ay ku hambalyeeyeen Gudoomiyaha Kulmiye ayaa waxaa laga dhex arki karaa inuu yahay mid salka ku haya gudoomiyenimada Muuse Biixi loo cimaamaday iyo waliba badheedhihiisa inuu u sharaxan yahay jagada madaxweynenimo ee Xisbiga Kulmiye.

Hargaysa SDN/QJ.

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com