Uncategorized

Kooxda Ka Dagaalanta Nigeria Ee Boga Xaraam Oo Burburiyay Buundo Labaad,Xili Lagu Hawlanyahay Samata bixinta Hablaha Ay Qafaasheen

boog11,May,2014(SDN/QJ)Dadka degan Waqooyiga bari ee dalka Nigeria ayaa sheegayo in koox looga shakisan yahay Boko Xaraam inay burburiyeen buundo kale oo muhiim ahayd, waana tii labaad oo muddo laba maalin gudahooda gooyaan.Meesha ay buundada ku qarxiyeen ayaa u dhow goobtii ay ka afduubteen in kabadan 200 oo gabdhood.

Tallaabada kooxdan ayaa u muuqato farsamo cusub oo ay isugu deyayaan inay ku xaddidaa tallaabooyiinka lagu soo furan karo gabdhaha.Haddii ciidamada Nigeria ama dad kale ay doonaan inay ciidan aad u badan geeyaan goobta gabdhaha laga qafaashay, waxay mari karaan dhulka oo keli ah.

Hadaba jaridda goobihii lamari lahaa waxay dhibaato weyn ku noqon kartaa kooxaha raadinta gabdhaha ka qeybgalaya.taas oo sii adkaynaysa Suura-galnimda in la helo Hablihii Yar yaraa ee laga Qafaashay iyaga oo Iskuul Boodhin ah ku jira,iyada oo aan ilaa hadda aaan la hayn meel ay Raq iyo ruux joogaa.

Waxaana iska soo daba dhacaya Canbaaraynta Caalamiga ah ee Ku Adaan Habalaha Iskuulka dhiganayay ee la Afduubtay.waxaana ugu danbaysay waa Falkaas Foosha Xun si kulul u canbaaraysay Marwadda Kowaad ee Madaxweyneha Maraykanka Micheal Obama,iyada oo ku baaqday in si deg deg ah loo sii daayo Habalaha yar yar.

SDN/QJ-Abuja

daacad@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com