Nairobi:May,13,2014(SDN/QJ)- Laba Qof oo lagu xidhiidhiyey Ururka Al-shabaab ayaa la soo taagay Maxkamad ku taalla kenya, iyadoo lagu eedaynayo inay Lug ku lahaayeen Qaraxyo ka dhacayo Goobo ku yaalla Mombasa.
Booliska ayaa sheegay in Axmed Cabdulaahi Cali iyo Naasir Ali Iskanda, ay qarax ka fuliyeen meel ku dhow Hotel ku yaala magaalada Mombasa 3-dii bishii April ee lasoo dhaafay.
Qaaddiyaasha ayaa ku eedeeyay labada ruux inay xidhiidh dhow la leeyihiin ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya, oo sheegtay masuuliyada weerarkii Westgate ka dhacay sanadkii lasoo dhaafay.
Labada ruux ee laga shakiyay oo dhalashadoodu ay tahay Kenyan ayaa beeniyay inay ku lug leeyihiin dambiyada lagu eedeynayo.
Qaaddiyaasha ayaa dalbaday in dadkaasi aan lagu sii deynin wax damiin ah, iyagoo sheegay inay caqabad ku noqonayaan amniga qaranka dalka Kenya, iyadoo ay ku socdaan baadhitaano dheeri ah.
Booliska ayaa sheegay in maalmo badan ay baadhitaano ku hayaan ragani laga shakiyay, iyagoo sidoo kale sheegay inay baadhitaano kale ku hayaan dad kale oo falkaasi lala xidhiidhinayo.
Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacay weeraro kala duwan tan iyo waxii ka dambeeyay markii ay go’aansatay inay ciidamadeeda usoo dirto dalka Soomaaliya sanadkii 2011.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
