Uncategorized

Mid ka mid ah Fannaaniintii ugu Caansanayd Soomaalida Oo Xalay Ku Geeriyootay Muqdisho

Muqdisho:May,14,2014(SDN/QJ)-Allah Ha u Naxariistee Waxa Habeenkii Xalay Magaalada Muqdisho ku Geeriyootay Fannaandii weynayd  ee Xaawa Maxamed Yuusuf (Xaawo-jeesto) oo Muddo badan ku soo jirtay Fanka Soomaaliyeed.

baadhWararka aanu ka heleyno geerida Marxuumadda aya waxaa ay sheegayaan in Marxuumadu ay in mudda ahba ay ku xanuunsaneysey Magaaladda Muqdisho, iyadoona sida eheladeedu ay Warbaahintaakaalada  u sheegen uu xanuunkeedu ahaa mid waxba looga qaban wayey dalka Gudihiisa.

 

Fanaanadda Xaawo Jeesto Ilaahey ha u naxariistee waxaa ay 35-sanadood ka tirsaneyd Kooxda ONKOD, iyadoona mudooyinkan danbe ka tirsaneyd Kooxda QEYLO DHAN Muqdisho oo ay Gudoomiye u ahayed iyadu.

Allah Ha u naxiisto Xaaw Jeesto oo dad badani ku xasuustaan Doorkii ay ku lahayd Fanka soomaaliyeed iyo Hannaankii fiicnaa ee ay uga qayb qaadan jirey Jilidda Riwaayadaha.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com