Ankara:May,14,2014(SDN/QJ)-Wasiirka arimaha Dibada dowlada Turkey Ahmet Davutoglu ayaa sheegay in la’aanta kaabayaasha bangiga Soomaaliya ay lama huraan ka dhigtay in dhaqaalaha gargaarka ay si toos oo kaash ah u siiyaan dowlada Soomaaliya.
Ma jiro wax adeeg bank oo ka jira Soomaaliya””,sidaasi ayuu yidhi wasiirka arimaha dibada Turkey, isagoo sheegay in dowladiisa bil kastaa ay ugu deeqdo dowlada Soomaaliya 4.5 Milyan oo doolar, wixii ka dambeeyay sanadkii 2013.
Wuxuu sheegay wasiirka arimaha dibada Turkey in taasi ay uga gol leeyihiin mashaariicda kala duwan oo ay ka fulinayaan dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi uu ku dhaco gacanta dowlada.
Waxa uu intaas raaciyey inaanu jirin dhaqaale kale oo gargaar ah oo Somalia la siiyo oo aan ahayn midka uu carrabka ku dhuftay.
Dhaqaalaha ayuu sheegay inay ku dhacaan gacanta masuuliyiinta dowlada iyadoo loo marsiinayo safaarada dowlada Turkey ay ku leedahay dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in dhaqaalahaasi ay si toos ah kaga soo baxdo bangiga dhexe ee dowlada Turkey.
“DHaqaalahaasi waxaa bixintooda goob joog ka ah hogaamiyaha bangiga dhexe ee Soomaaliya, wasiirka arimaha gudaha iyo maaliyada Soomaaliya, saxeexooda ayaana lagu bixiyaa” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka arimaha gudaha ee Turkey.
Arrinta uu wasiirka Arrimaha Dibadda Turkigu sheegay ayaa muujinaysa in lacago xad-dhaaf ahi soo galaan Gacanta Masuuliyiin ka tirsan Dawladda, iyadoo wali aan la haynin meelaha rasmiga ah ee ay lacagahaasi ku baxaan iyo waliba sida loo qorsheeyo.
Sidoo kale waxa uu wasiirka Hadalkiisu muujiyey Caqabadda uu Baan La’aantu ku Hayo Dawladda Federalka Somalia, iyadoo hore loo ogaa Fadeexaddii xukuumadda Xasan Sheekh Ka Raacday Iscasilaaddii Yusur Abraar ooh ore loogu magacaabay Baanka Dhexe ee Somalia
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com
