Qorilugud:May,14,2014(SDN/QJ)-Wararka Naga Soo Gaadhaya Deegaanka Qorilugud ee Gobolka Buuhoodle, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay Nin ka mid ka soo jeeda Deegaankaas.
Dilka Marxuumkan ayaa waxa la sheegay inay Geysteen Koox Hubaysan oo ka soo jeedda Deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo saacado ka hor ku khaarajiyey Deegaanka Gadhyare oo dhinaca Waqooyi Bari kaga Beegan Magaalada Qorulugud.
Marxuumka la dilay ayaa Magaciisa naloogu soo Gaabiyey Giirre, waxana uu ahaa nin caan ka ahaa deegaankaas.
Shacabka ka soo kala jeeda Deegaanada Buuhoodle iyo Qoriligudud ayaa ay dhextaallay Colaad soo bilaabantay intii uu Madaxweyne Siilaanyo Xukunka Dalka qabsaday, waxana hore uga dhex dhacay Dilal badan, waxana aan wali natiijo laga gaadhin dedaalo nabad loogu raadinayey oo in badan la isku dayey.
Dhinaca Deegaanka Buuhoodle, ayaa bilo ka hor waxa ay dil iyo dhaawac u geysteen rag ka soo jeeda Deegaanka qorulugud, kuwaas oo aan wali wax wada Hadal ah laga Gelin.
Dadka shacabka ah gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Deegaanka Qorilugud ayaa Haatan la sheegayaa inay isku urursanayaan Meel ku dhaw Halka uu dilku ka dhacay, waxana jira is urursi iyo qaban qaabo loogu jiro in dagaal la qaado.
Ciidanka qaranka oo ku sugan meelo aan ka fogayn deegaanka dilku ka dhacay ayaan wali wax tallaabo ah qaadin, waxase la filayaa inay ku dhaqaaqaan sidii ay labada dhinaca u kala dhex geli lahaayeen.
Maydka marxuumka ayaa xilligan yaalla Goobtii lagu dilay, mana jiro wax isku day ah oo aaskiisa ku saabsani, maadaama haatan lagu mashquulsan yahay sidii loo ururin lahaa Ciidamo Dabagala Utunta dhacday.
SDN/QJ-Hargeysa
Contact@somalidiasporanews.com
