14,May,2014(SDN/QJ)- Dalka ugu horumarsan geyiga Afrika ee Koonfur Afrika, ayaa waxa uu aqoonsaday Basaboorka Somaliga, xilli dalkaasi ay ku badan yihiin ganacsatada Somaliyeed ee dalalka Afrika ganacsiga ku heysta.
General C/laahi Gaafow Maxamuud, Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Somaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Dowladda Koonfur Afrika ay aqoonsatay Basbaoorka Soomaaliga.
Taliyaha, ayaa waxa uu Saxaafada u sheegay in loo soo diray warqad, ay Dowladda Koonfur Afrika ku cadeyneyso in ay aqoonsatay Basaboorka Soomaaliya, muddo dheer kadib.
Sidoo kale wuxuu sheegay Arbacada maanta ah in uu ku sii jeedo dalka Koonfur Afrika, iyadoo ay isku arki doonaan Masuuliyiinta Wasaarada Arrimaha Dibadda ee dalkaasi, iyagoona isla meel dhigi doono, arrimaha hor-gudban.
Somalia iyo South Afrika, ayaa suurta gelin doona in dalka South Africa si rasmi ah looga qaato Basaboorka Soomaaliga, iyadoo tani ay sahleyso in si caadi ah ay safaradooda u adeegsadaan Muwaadiniinta Somaliyeed ee dalkaasi degan.
SDNQJ- Koonfur Africa
