Eyl 14.May 2014 (SDN/QJ)- Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka gaaray degmada Eyl oo ka tirsan Gobalka Nugaal.
Eng.Camay iyo wafdiga la socda ayaa Eyl ku sugnaan doono mudo labo maalmood ah sida ay noo sheegeen saraakiil madaxtooyada ka tirsan wuxuna xariga kasii jari doonaa wado 27-km dhan oo dhismaheeda la waday waayadii danbe taasoo Eyl aada.
Wasiir ku xigeenka wasaradda howlaha guud iyo gaadiidka Cabdiraxman Dijaana ayaa Radio Garowe u sheegay inay kulamo la qaadan doonaan shacabka degmada Eyl oo hadda u taagan soo dhawaynta wadiga Camay.
Arrimaha uu dadka Eyl ku sugan kala hadli doono madaxwayne ku xigeenka ayaa ka mid ah xaalada nolaleed ee degmada iyo baahiyaha ka jira.
Inta badan shacabka Eyl ayaa ka cowda wadda Eyl loo maro oo qararka dusha ka marta taasoo walaac ay ka muujiyeen gaadiidka xamuulka ah oo dhibaatooyin kala duwan ay kala kulmaan.
Sida Wararku Sheegayaan degmada Eyl ayaanu wali da’in roobabkii gu’ga magaladuna ay tahay mid kulul waxa uu sidoo kale la sheegay inuu hoos u dhac uu ka jira suuqyadda magalada maadama uu aad u yaraaday shilinka Somaliga.
Eyl SDN/QJ.
contact@qurbejoog.com
contact@somalidiasporanews.com
